Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyo Nuux Taani Iyo Aadan Xaaji Cali Maxay U Soo Kordhin Kartaa Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi?

0
Friday April 12, 2019 - 17:35:59 in News by
  • Visits: 11625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyo Nuux Taani Iyo Aadan Xaaji Cali Maxay U Soo Kordhin Kartaa Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi?

    Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyo Nuux Taani Iyo Aadan Xaaji Cali Maxay U Soo Kordhin Kartaa Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyo Nuux Taani Iyo Aadan Xaaji Cali Maxay U Soo Kordhin Kartaa Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi?


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa wali u muuqda inuu indhaha ka lalinayo dheeliga ku jira saami qaybsiga xukuumada uu soo dhisay.




Madaxweyne Muuse Biixi oo ku jira sanadkii labaad ee mudo xileedkiisa ayaan ilaa hada isku miisaamin hay’adaha ugu sareeya ee dalka isla markaana ku ururiyey dad deegaankiisa ka soo jeeda.


Ka dib dhisitaanka xukuumadiisa oo saluug badan laga muujiyey qaabka uu ugu qaybiyey beelaha somaliland isla markaana lagu eedaynayo inuu sadbursiimo dheeraad ah ugu daray deegaankiisa oo markii hore-ba saami buuran haystay, waxa laga eegayey inuu isbadal ku sameeyo hay’addaha garsoorka iyo milatariga.


Madaxweyne Muuse Biixi ayaa mudadii uu xilka hayey laga filayey inuu iska qurxiyo sawirka ay bixinayso xukuumadiisu oo haatan u muuqda mid dhinac ka raran, iyada oo la naawilayey inuu isbadal ku sameeyo gudoomiyaha maxkamada sare oo masuul ka ah waaxda garsoorka iyo taliyaha ciidamada qaranka, balse sanad iyo dheeraad ka dib ilaa hada ma muuqato saan saan muujinaysa inuu dheeliga ka biiyo xukuumadiisa isla markaana kuraasta muhiimka ah uu ka saaro gacanta masuuliyiinta ka soo jeeda deegaankiisa.


Madaxweyne Muuse Biixi ayaa haatan wali kuraasta ku sii ilaalinaya taliyaha ciidamada qaranka iyo gudoomiyaha maxkamada sare isaga oo indhaha ka lalinayo talooyinka loogu soo jeedinayo inuu gacanta deegaankiisa ka saaro kuraastaas ka mid ah kuwa dalka ugu sareeya.


Isku shaandhayn uu wakhtiyo kala duwan soo saaray madaxweyne Muuse Biixi oo la filayey inuu isbadal ku sameeyo gudoomiyaha Maxkamada sare iyo taliyaha ciidanka qaranka ayaa laga dhexwaayey digreetooyinkii soo baxay, waxaana ilaa hada muuqata inaanu madaxweynuhu diyaar u ahayn isbadal uu ku sameeyo hogaanka hay’addaha milatariga iyo cadaalada.


Madaxweyne Muuse Biixi oo xil ka qaadis ku sameeyo masuuliyiintani, waxay keeni doontaa in lagu soo dhawaado qanaaco ay bulshada somaliland ka bixiso habka saami qaybsiga ee beelaha somaliland ku wadaagaan hadba xukuumada talada haysa, waxaana la dhawrayaa goorta uu madaxweynuhu talaabadan qaadi doono.




Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:-[email protected]

Loading...
Loading...