"Reer Burcooy Ha Ogolaanina In Dhexdiina Cid Lagu Dulmiyo Haddii Aad Yeeshaana….."Suxufi Coldoon

0
Thursday June 11, 2020 - 18:33:00 in News by
  • Visits: 2601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Reer Burcooy Ha Ogolaanina In Dhexdiina Cid Lagu Dulmiyo Haddii Aad Yeeshaana….."Suxufi Coldoon

    "Reer Burcooy Ha Ogolaanina In Dhexdiina Cid Lagu Dulmiyo Haddii Aad Yeeshaana….."Suxufi Coldoon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Reer Burcooy Ha Ogolaanina In Dhexdiina Cid Lagu Dulmiyo Haddii Aad Yeeshaana….."Suxufi Coldoon


Burco(HWN):-Suxufi Cabdimaalig Muuse Coldoon oo dhawaan dib u helay xoriyadiisa ayaa maanta gaadhay magaalada Burco  ee xarunta gobolka Togdheer.

Image may contain: 1 person, sitting and text


Suxufi Coldoon oo ay dadweyne tira badani ku soo dhaweeyeen duleedka magaalada Burco ayaa dardaarano u jeediyey shacabka magaaladaasi ee soo dhawaynta diiran ku qaabilay.


Suxufi Coldoon oo dadweynaha reer Burco kala hadlaya xadhigii hore iyo xoriyada uu hada helay ayaa waxa uu yidhi "Waxaan ku faraxsanahay inaad halkan igu soo dhawaysaan, habeen ay khamiisi soo galayso oo ku beegnayd 17/04/2019 ayaa waddadan horteena ah laygu qaaday gaadhi aniga oo katiinaysan waxaanan soo noqday maanta aniga oo gacmaha taagaya, markii iigu dambaysay magaalada Burco ee aan si nabad ah ku dhexmaro waxay ahayd 13/12/2017 maanta ayaana ku xigta 11/06/2020.”

Image may contain: 3 people, including Jeegaan Diid
Image may contain: 4 people
Image may contain: 3 people
Image may contain: 6 people, including Amb Sadam Faarah, crowd and outdoor

Sidoo kale suxufi Coldoon ayaa dadweynaha  u soo bandhigay faa,iidooyin uu ka dhaxlay jeelkii uu ku xidhnaa "Jeel ayaad igu ogaydeen aan in mudo ah ku jiray waxaanan kala soo baxay faa,iidooyin badan oo aad dareemi kartaan inta aydoon ogayna waan idiin sheegi doonaa, faa,iidooyinka ugu yar ee aan kala soo baxayna waxa ka mid ah inaan ku dhex alifay dhigane ay bulshadu ka faa,iidi doonaan.”

Image may contain: car and outdoor
Image may contain: 4 people, outdoor
Image may contain: 2 people

Suxufi Coldoon ayaa reer Burco kula dardaarmay inaanay ogolaan in dhexdooda cid lagu dulmiyo waxaanu yidhi "Reer Burcoy waxaan idinkula dardaarmayaa inaydaan ogolaan in dhexdiina qof lagu dulmiyo hadii aynu ogolaano in qof dhexdeena lagu dulmiyo bari inaga ayey inoo imanaysaa markaa aynu xaqa garabsiino, qofka, qabiilkiisa, cida uu yahay iyo midabkiisa haw eegina ee u eega in qofku xaq ku taagan yahay iyo in kale ama in la dulmay iyo inaan la dulmin.”

Loading...
Loading...