Xukuumada Oo Hormood Ka Ah Jabinta Amaradii Lagaga Hortagayey Covid-19 Iyo Talaabooyinka Ay Masuuliyiintu Qaadeen.
Masuuliyiin xilal sare ka haya xukuumada isla markaana qaarkood ka tirsan yihiin guddida ka hortaga xanuunka Covid-19 ayaa si badheedh ah u jabiyey amarada lagaga hortagayo xanuunka Coronavirus oo hada saamayntiisu ay ka muuqato somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo gudoomiye u ah guddida ka hortaga Covid-19 ayaa hormood ka noqday masuuliyiinta jabiyey amaradii lagu xakamaynayey xanuunkaasi ka dib markii uu magaalada Hargeysa kaga qayb galay kulan lagu soo bandhigayey suugaan ku saabsan nabada iyo la dagaalanka cudurkaasi wakhti la mamnuucay isku imaatinka bulshada.
Madaxweyne ku xigeen Saylici oo aan muujin masuuliyada ka saaran badqabka bulshada isla markaana meesha ka saaray doorkii looga baahnaa ee uu shacabka tusaalaha ugu noqonayey ayaa soo dhexfadhiistay munaasibad uu Cali Seenyo ku soo marti qaaday oo habeen hore ka dhacday mid ka mid ah hotelada layskugu yimaado ee magaalada Hargeysa.
Sidoo kale agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali Bile iyo wasiirka arimaha dibada Yaasiin Faratoon ayaa jabiyey amaradii ka soo baxay guddida ka hortaga xanuunka Covid-19 ka dib markii ay magaalada Laascaanood ka abaabuleen kulamo waa weyn oo ay shacabku iskugu yimaadeen kuwaas oo qaarkood lagu soo dhawaynayey halka kuwa kalana ay la xidhiidheen wadda tashi ay la yeelanayeen waxgaradka gobolka Sool.
Sidoo kale xukuumada Muuse Biixi iyo guddidii uu u xilsaaray ka hortaga xanuunka Covid-19 ayaa markhaati ka noqday iyada oo dadweynaha magaalada Burco ay jabinayaan amaradii ay soo saareen kuwaas oo kulamo waa weyn iyo soo dhawayn ay bulsho badani iskugu timid u samaynaya suxufi Cabdilmaalik Muuse Coldoon oo maanta gaadhay magaalad Burco.
Talaabooyinka ka imanaya shacabka iyo masuuliyiinta ka tirsan xukuumada ee lagu jabinayo amaradii ka soo baxay guddida ka hortaga xanuunka Covid-19 ayaa u muuqda inaanay istaagayn isla markaana ay halkooda ka sii socon doonaan iyada oo xanuunkuna uu si weyn ugu faafayo shacabka isla markaana maalin kasta la helayo kiisas cusub oo la xidhiidha xanuunka Coronavirus.
Si kastaba ha ahaatee guddida ka hortaga xanuunka Covid-19 ayaan wax talaabo ah ka qaadin masuuliyiinta ka tirsan xukuumada ee jabinaya amaradii ay ka soo saareen xakamaynta cudurkaasi iyo waliba shakhsiyaadka shacabka ah ee ka hor imanaya amaradii guddida.