Mawjado Gurxamaan Dhex Galay ( Abdi-Shotaly).

0
Friday April 12, 2019 - 17:35:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mawjado Gurxamaan Dhex Galay ( Abdi-Shotaly).

    Wuxu yidhi Tima-cade (IHUN), anigu waan joojiyey tixihii markaan arkay, qaar afar eray yidhaaha waa gabay, oo wax soo malmaluuqa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxu yidhi Tima-cade (IHUN), anigu waan joojiyey tixihii markaan arkay, qaar afar eray yidhaaha waa gabay, oo wax soo malmaluuqa, isaga oo intaa murti ku sheegaaya baa waxa ka mid ahaa xikmadiisii " Midh la yeedhku goortuu bartaan kaygi meel dhigaye" ujeedadda wuu fahmi ruuxii garaad lihi, bal iga hooya intan aan soo wado. Cilimi felega wuu garan raggii caalimka ahaaye, halka wax marayaan daah idin-kama saarna ummad yahay, habar dhali dhali wayday aleelo ku waalatay, baa hore loo yidhiye, waatan askartii af dhigi wayday, ee ay runtii ka soo dhawaysay, beeni soo kaba beeshay, ee ay cidla isi soo taageen, leeyihiin halkaan wax ka qabanaa, wax ay kolba qar isku qaadaan-ba, meel aan loo jeedin ka fad-kudi-yaanba, leexadda dabaysha iyo ceeryaan dhex muquur-taan-ba, siddii hal diidaysa hadba geed ku xoqaan-ba, ama siddii heestii uu qaadi jirey (IHN) Cabdalle Sagsaag ee ahayd " Mawjado gurxamaan dhex galayoo, bad baa igu gaaf wareegsan, cirkaan gabal ka arkayaaye, ilayn geed la cuskadaana, ilayn caylooy cadaana, hadeer baa meel ay is taagto iyo wax ay sheegto la'dahay, murti baa ahayd, kaba-toloow ma halkaas baad ka bul tidhiye, markii ay dirgan waayeen, meel kastaa isi soo handa-raabtay, bay naf-la-caaridkii miciin moodeen, Baabuurka C/Cirro Baanu direys Caare loo diraayey ku qabanay, waa iska xaal aduun iyo hawla-hiisii, ee intan hoose ila akhri:-



Dalkani wuxu noqday mid uu ka taliyo, Xusbi keli-yahi siddii kuwii shuuciga, ee ay keli-good taliya-yaashu hogaamin jireen, siddii kii liilan. Karal maarkis iyo Anjelis-kii Ruushka, Mao -ggii shiinaha, Robert mugaabiggii Zimbabwi iyo ka yar ee la yidhaaho Moon ee kuuriyadda waqooyi. Sideeda-ba maamul qaran lagu sheegi karo, waxa ugu dambeeyey, Illaah caafimaad ha siiyo'e Axmed Siilaanyo, balse markii amar alle ku yimi, waa tii ay noqotay " Waraabaw waa hal" ee habar-dugaag, shilin gabaarey ha joogeene, ay ku soo diniseen dirxi iyo dulin, daladooli, dooryaan baalal leh, iyo wax ka sii liitaa, xataa qaar ciridkii dhamaaday. Beeni raad ma laha'e, kuwii meel kaste u maray, markii ay wax cuni kari waayeen, xamar isku qaaday in ay u soo saxeexdo xaraashka hantidda ummadda, baa maantana la yimi Caaraa uu xidhiidh la leeyahay Gudoiyaha Xusbiga mucaaradku, oo loo dhacay hantidiisii, askartii u ahayd ciidanak ilaaladana la kala diray, oo lagu amray in ay ku kala noqdaan xeryihii, ee laga soo direy markii hore. Nin meeli u cadahay, meeli ka madoobe, ummadani mid loo jid bixinaayo maaha, ilayn iyaka baa kuwaas isu gacan geliyee. Waxan leeyahay ummadda reer Somaliland, jid idiin baxayaa ma jiro, ilaa aynu wadda jir iskaga qabano, injirtan maryaha inoo galay, waxba inoo socon maayaan, in ay ka sii darto mooyaane. Wuxu yidhi Qaasim (IHUN), mar uu dardaaran siinaayey Jabhaddii SNM:-


(1) Ragu iga tag kaagama tagee, xumaha taabsiiya,

(2) Tafaraaruq Waa lagu jabaa, Taagtu waa urure,

(3) Yaan lay-idin Tuugaysa-nine, tab iyo xeel yeesha,

(4) Isku tiirsanaantaa waxaa, tebi ku gaadhaaye,

(5) Taag yari rag loogama baqee, tuhunka weyneeya,

(6) Kol tagoogo tuur-taana, lays-ma soo tube,

(7) Taladaa ka mudan, xoog tafaafu-lane,


Waxan akhristaw uga dan leeyahay, murtidda Abwaan qaasin (IHUN), waa la yaqaan keliggii taliye, oo wanaag iyo sabaalo wax kuma laha, in gacanta loo qaado mooyaane, sidaas awgeed, way dhaaftay wakhtigan wax la sii eegan karo, oo waa idinkaa si cad u arka, in u ina maamulaan Ina Cumar Geelaha Tuuladda Jabuuti, Eretariya iyo Farmaajo, Puntland dhul balaadhan qabsatay, ee ku dambaysay iska xidh-dhix, oo weliba lacagtii Lagu boobay Doorasho kusheegtii maxaabiista la haysto laga qaado. Waxa laga hayaa Cali Dhuux " Taladdii ilaahay ka qaad tuugi reer Xamare" Maalin-ba tay la yimaadaan baa ka sii daran, oo intii hore-ba bikh bay ahayde, Bal dhegaysta waxa ay la shir yimaadeen " Raggii Ma Adigaa Ka hadhay Iyo Geenyo Shaaximani" Haddii caad cadceed lagu dhex daro, wayska cidin-ciide, nooc faalka ka mid ah baa waxa la yidhaaha Geb-geble, taas oo loogu magac daray bahalka loogu yeedho "Oday-geelii ba'ay", isaga oo wax ma jirto ah raadinaaya, ama ujeedo gaar ah oo uu leeyahay aanay jirin, iyo jiho uu u jeesto mid-koodna, ee hadba doc buu is yidhaa bal xagan u baydh, in ay kuu dhaanto siddii hore. akhristaw, Waraabe dhankii loo eryaaba waw toose" markii irid walba laga soo xidhay dalkii iyo ummadiisii, albaab kastaa uu iskii isu soo handaraabay, ku soo dhahartay, ee ay raaf riixi kari waayeen, beentii lagu soo qab-qabtay, ilayn awel-ba waa la ogaaye, ay wax-ba kala wadi kari waayeen, bay marmar-siiyo ka dhigana-yaan imika Waddani baa gacan saar la leh, dad duminaaya Somaliland. bal-se su'aashu waxa weeye, yaa kala fogeeyey ummadda? Ee intuu u kala ab-tiriyey, inba gees ku qoqobay?


N.B Ilayn Geed La Cuskadaana!

Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...