Xisbiga Nabad Iyo Nolol Oo Xafiis Ka Furtay Buuhoodle Iyo Maamul Cusub Oo Xaruntiisa Soo Dhex Raaciyey.
Muqdisho(HWN):-Xisbiga Nabad Iyo Nolol ee dawlada Soomaaliya ayaa xafiiskiisii ugu horeeyey laga furay magaalada Buuhoodle.

Munaasibad kooban oo lagu qabtay xarunta xafiiska Nabad Iyo Nolol ee magaalada Buuhoodle ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta xisbiga, dhalinyaro tiro badan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Buuhoodle.
Eng Sakariye Nuur Cabdilaahi oo ah xogyahaya guud ee maamul goboleedka Waqooyi ee soomaaliya oo ka hadlay furitaanka xafiiska maamulka iyo xafiiska xisbiga Nabad Iyo Nolol ayaa sheegay in taageero weyn lo ohayo xisbiga dawlada Soomaaliya.
Xoghaye Sakariye ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Maanta dhalinyaradu taageero mug iyo miisaan leh ayey halkan ka muujiyeen, xafiiskana xadhiga ayaanu uga jarnay hadii aanu nahay maamul goboleedka waqooyiga Soomaaliya, waxaanan ugu baaqayaa bulshada shanta gobol ee waqooyi ay ku seexdaan oo ay ku soo toosaan inay xuquuqdooda iyo xasaanadooda xil weyn iska saari doonaan xafiiska dhalinyarada ee xisbiga Nabad Iyo Nolol iyo xafiiska maamul goboleedka Waqooyi.”
Xoghaye Sakariye oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaan idiinku bushaaraynayaa sida u qorshuhu yahay in xildhibaanada shanta gobol ee Waqooyi ay doorashadoodu ka qabsoomayso Buuhoodle iyaga oo kaga soo bixi doona doorasho hal cod iyo hal qof ah.”
Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Buuhoodle kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyey furitaanka xafiiska xisbiga Nabad iyo Nolol iyo maamul goboleedka Waqooyi ee soomaaliya.


0 





