Gaadiidleyda ka Shaqeysa Muqdisho & Jowhar oo Shaqo joojin sameeyay
Inta badan Gaadiidleeyda ka howlgasha wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee Gobolada iyo Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen Shaqa joojin, iyaga oo u sababeeyay in isbaarooyin dhowr ah ay kusoo kordheyn wadadaasi lacago badana looga qaaday.
Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan Awoodin bixinta lacagta faraha badan ee lagu soo rogay, waxaana ay sheegeen in ay go’aan ku gaareen in shaqada ay joojiyaan.
Mid kamid ah Gaadiidleyda ka Shaqeysa inta u dhaxeysa muqdisho iyo Jowhar ayaa ka hadlay caqabadaha keenay inay Shaqada joojiyaan iyo lacaga cusub ee lagu kordhiyay.
Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa horay uga jiray caqabado la xiriira burburka wadada laamiga ah oo Darawalada Gaadiidka ay ka cabanayeen,hayeeshee ay soo kordheyn Koontoroolo dhowr ah oo Gaadiidka lacago looga qaado.