Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xafiis Uu Buuhoodle Ka Furtay Xisbiga Farmaajo Ee Nabad Iyo Nolol.

0
Thursday June 11, 2020 - 15:05:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xafiis Uu Buuhoodle Ka Furtay Xisbiga Farmaajo Ee Nabad Iyo Nolol.

    "Buuhoodle Somaliland ayaa xukunta, waxaanay Degmada Buuhoodle ka tirsan tahay Somaliland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Buuhoodle Somaliland ayaa xukunta, waxaanay Degmada Buuhoodle ka tirsan tahay Somaliland"

Hargeysa (HWN)- Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka mid ah Salaadiinta waaweyn ee Somaliland ayaa si adag waxa uu uga hadlay Xaaladda cusub ee ka soo cusboonaatay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer kadib Markii toddobaadkan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya markii ugu horraysay ay xafiis weyn ka furatay Magaaladaasi taasi oo dad badani siyaalo kala duwan uga hadleen walina aanay xukuumaddu wax faahfaahin ah ka soo saarin.

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Waraysi siiyay Telefishanka ERYAL TV ayaa waxa uu ka hadlay Xafiiska uu Xisbiga Madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano Nabad Iyo Nolol uu ka furtay guddaha Somaliland gaar ahaana Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, waxaanu sheegay in aanu garanayn qaabka u uga shaqaynayo xafiiskaasi gudaha Somaliland isaga oo xusay in loo baahan yahay in Madaxweynuhu ka Jawaabo Arrintaasi.

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaanka guud ee salaadiinta Beelaha Somaliland oo wax laga weydiiyey arrintaas  ayaa ku jawaabay siddan "Buuhoodle Somaliland ayaa xukunta, waxaanay Degmada Buuhoodle ka tirsan tahay degmooyinka Somaliland. Haddii deegaan Xamar joogaa siduu uga talinayo Dowladda aan weydiino hortay, Muuse ayeynu weydiin arrintaas.”

 

Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaan ilaa hadda ka hadda arrintan, mana jiro wax war ah oo ku saabsan arrintan oo ka soo baxay, balse waxa xusid mudan in masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ay ku sugan yihiin Gobolka Sool iyo Deegaano ka tirsan inkasta oo aan la hubin in ay u gudbi doonaan dhinaca Magaalada Buuhoodle.

 

Dhinaca kale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Xukuumadda dalkaasi ugu baaqay in ay taxadar weyn muujiyaan oo ku dadaalaan sidii ay xaaladda u qaboojin lahaayeen una dhisan lahaayeen waddankooda isaga oo ugu baaqay in ay diyaar u yihiin ka madax dhaqameed ahaan in ay qaddiyadda Jabuuuti is barbar taagan oo ay shacabka iyo xukuumadda kala shaqeeyaan sidii ay nabad xaaladda uga dhigi lahaayeen.


Loading...
Loading...