Geel Muxuu Indha-kuul Ka Yaqaan ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday June 11, 2020 - 09:28:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Geel Muxuu Indha-kuul Ka Yaqaan ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Waxa jirta odhaah ay derewaladda baabuurta gaxeeyaa ugu maah-maahaan geel-jiraha, waayo gaadhi meel soo maray oo la kirey-naayo, buu mid tuulo ka soo caraabay,  intuu iska fuulo yidhaahaa halkaa hore baan kaaga degayaa, oo geelayaga xeradiisu tahay, dabeed intuu yaabo ka baabuurka wadaa buu yidhaahaa " Miyaanad wax na waydiinayn? Oo miyaad iska fuulaysaa in lacag la isku qaado iyo in bilaash la iskaga raaco miyaad baadhid marka hore. Isaga oo la yaaban buu ku yidhaahaa " Geel-jire muxuu garanayaa gudumo dheeraaye, gaadhiga wuxuu moodayaa geed la kora-yaaye" Waxan u soo qaatay sarbeebtan, oo aan doonayaa in aan halkan ku iftiimiyo, kuwa ka botoriya " Xaafad-tooyadda" ( Waa guriggii moorgane), ee ku andacoodda maamul baanu hogaaminaa, ma is tidhaaheen, sidda geel-jirahaas baa wax aanay aqoon u lahayn, iskana yeel-yeeli karin, baa kolka ay isku dayaan uu jar kala boodaa, ilayn lama barin sidda wadda loogu hagaajiyo baabuurka'e. Sidaas awgeed, saw in uu iska dhex fadhiiso uun maaha, ilayn farsamo iyo xirfad uma laha'e. Askarigu wuxuu u haystaa siyaasadda canaad, beel la colaw, tuuganimo iyo dan yar boob ee muxuu ka duwan yahay geelaa indha-kuusha marsaday? Gebigii-suba hoos madoobe buu qabaaye. Sal-dhiga hadalku waxa weeye, Muxuu bafbaf- lahani maamul iyo warkii ka yaqaan arag xumaaye?

 

Waxa la yidhi akhristaw, " Geel muxuu indha-kuul ka yaqaan" wuxu moodayaa gelgelintuu boodhka isku qasi jirey, ee uu siigadda ku galgalan jiraye. hadaba muwaadin, waxa cayn-kaas ka dhigan askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan" Oo wax aanay ab iyo isir mid-na aanay u lahayn, meela aanay u soo marin faraha la galay, qofku hadaanu wax aanu garanayn, aqoon-tiisuna aanay gaadh-siinayn, weliba maskaxdda oo uu ka jiran yahay u sii dheer tahay, " Cudur aan dawadiisa aduunka lagu haynin qabo ( Waa cuqdad ku korka'e) oo maaro hore loogu waayey, ka xanuun-kaas qabaa weliggii ma buqsado, loomana taag helo, ee aakhirka wuxu ku dambeeyaa, kaas isaga oo aan baran sidda baabuur loo gaxeeyo, isku qaaday ee uu dabeed iskala shubay buurtii jarato, halkaasna ku naf waayey. ilayn hed baxaysa looma taag helo oo teeddii baa dhamaataye.

 

Aan soo koobo'e, waxa uu saldhiga maqaal-kani uu yahay, askarigan waalani, wuxu ka dhigan yahay, geelaas idha-kuusha marsaday, maqalay uun waxay qurxisaa indhaha, laakiin aan micno kale u garanayn, kanian  wuxu maqalay waxa la noqdaa hogaamiye, ha-yeeshee waxa weeye islaantii la yidhi " Xamiido nina way rabtaa, haab-keedna ma ahayso" Waa sidaase wuxu la galay faraha, arimo aanu sinaba u maamuli karin, xataa aanu canjili karin, waxana uu noqday, qofkii isaga oo aan dabaal aqoon, bad weyn intuu dalaq yidhi, ku dhex dhacay aqoon xumidiisa, dabeed mawjaddii badda ee caaridka ku sii haftay, isaga oo aan meelba gaadhin, halkiina ku dhintay, Waxan ku soo xidhay, illaah ha u naxariisto'e Abwaan Cali Sugule Dun Carbeed, baa hees uu tiriyey, oo ay wadda qaadi jireen ( Illaah labada-ba janadda ha ka waraabiyo'e " Magool iyo Kuluc" ay midha-heedda ka mid ahaayeen " Ma og-tahay aqoonta, amaah la isuma siiyee, waan asqaysa-nahee ku aaway" Waxa ay ujeedadu tahay, kani waa asqaysan yahay, cid wax ku kordhi-naysaana ma jirto.Wax uu qabto daayoo, isagii ba aanbad ah cid uu wax taraa ha sii joogto iyo dal iyo dad uu dan ka leeyahaye, naftan daacal-basarka ah, ee teedii u il-darani, tallo ka noqotay hadba baloodh iyo beer masaakiini leedahay boob, hantidda ummadana xad ee xaaraamiga ah, muxuu dawlad maamulaa isagii baa raba wax maryaha u xidha oo qaawane.

 

* N.B Geel-Jire Muxuu Garanayaa, Gudmo Dheeraaye, Gaadhiga Wuxuu Moodayaa Geed La Korayaaye!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...