Faysa Faarah Suusle Oo Maanso Baroor-diiqa U Sameysay Marxuun Xamse Maxamed Cabdi Badhasaabkii Gobolka Togdheer.

0
Wednesday June 10, 2020 - 22:16:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysa Faarah Suusle Oo Maanso Baroor-diiqa U Sameysay Marxuun Xamse Maxamed Cabdi Badhasaabkii Gobolka Togdheer.

    Faysa Faarah Suusle oo maanso Baroor-diiqa u sameysay Badhasaabkii gobolka Togdheer..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysa Faarah Suusle oo maanso Baroor-diiqa u sameysay Badhasaabkii gobolka Togdheer..

 

Xaakinkaa jideeyoo

Xabaal baan la hurahayn

Xigto iyo sokeyiyo

Xaaskiyo walaalkiyo

Xasabadaada oo idil

Haday isku xeeraan

Xayndaab ku geliyaan

Guri kugu xareeyaan

Xaqu baaqan maayoo

Xabaal lama huraayee

Maan tana XAMSAA go’ay

Geesi baa Xabaal galay

 

Muxuu xaajo murugtoo

Xalked aan la heli karin

Xisaab li’i ku kala furay

Muxuu laba is xasdaayo

Xabada isu qaatoo

Xoolo kala dhacayoo

Xudumaa is goyn laa

Xisaab li’i ku kala furay

Muxuu xoogag kala tegay

Xodayada dhexdoodiyo

Isu galley xorfado jaan

Xumahii ka maydhoo

Wanaag uu dhexdood dhigey

Muxuu xarun togdheer tahay

Xamastiyo caruurtiyo

Xukuumada isu jiidoo

Mid xiskiisu madhanyoo

Darajada ku xoogsada

Xaqoodana ka duudsiya

 

Xijaab uga ahaayoo

Xagooda aanu deyi jirin

 

Rabiyoow cadaabaa

Ka xoree xagiisoo

Xarun janada uga yeel

Amiin amiin amii

Waa Broor Diiq”

Marxuun Xamse Maxamed Cabdi

ALLE Haw Naxariisto

Aamiiiiin Aamiiiiin

By: Faiza Farah Suusle !

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...