Ex Madaxweyne Shariif Oo Raysal Wasaaraha Itoobiya U Soo Jeediyey Inuu Faraha Kala Baxo Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya.

0
Wednesday June 10, 2020 - 20:06:12 in News by
  • Visits: 2317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ex Madaxweyne Shariif Oo Raysal Wasaaraha Itoobiya U Soo Jeediyey Inuu Faraha Kala Baxo Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya.

    Ex Madaxweyne Shariif Oo Raysal Wasaaraha Itoobiya U Soo Jeediyey Inuu Faraha Kala Baxo Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Madaxweyne Shariif Oo Raysal Wasaaraha Itoobiya U Soo Jeediyey Inuu Faraha Kala Baxo Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya.


Muqdisho(HWN):-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayey xaaladda dalka ayaa ka dalbaday Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed inuu faraha kala baxo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Falanqaynta Sababta Ay Kulankii Addis Ababa Uga Aamuseen ...


Sheekh Shariif oo haatan ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa fariintan u diray xukuumadda Addis Ababa, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho.


Shariifka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Abiy uu doonayo inuu maamulo Somaliland, sidoo kalena ciidamo uu geeyo gobolka Gedo ee Jubbaland, wuxuuna intaasi ku daray in arrintaasi aysan aheyn wax fiican oo la filayey, sida uu hadalka u dhigay.


Sidoo kale wuxuu ka dalbaday inuu isaga baxo arrinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, inta ay uga yeeranayaan labada dhinac.


"Aniga waxaa aaminsanahay nin Meles Zenawi ka xoog badan oo soo xukumay Itoobiya ma imaanayo, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya aniga waa is lahaa markii uu meesha yimid heshiis dhici doona, waxaas fileynay, wax kalena waa la sheegaa, laakiin mugdiga jira in la bixiyo rabnaa, Abiy Ahmed haddii uu rabo inuu Somaaliland inuu maamulo, Jubbaland iyo Gedo uu ciidamo geeyo, halkanna uu maamulo wax fiican maahan, Muuse Biixi kaligaa haddaa keeni karto waa howl kale noo sheeg, Muuse iyo dadka reer Woqooyi waan isku fiicannahay xiriir leenahay, waana Soomaali waxa isku dirirnay anaga naqaan, marka ku baahano annagaa ku yeereynaa.” ayuu yiri Shariif.


Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayey xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo milatariga gobollada Gedo, Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Loading...
Loading...