Dawlada Maraykanka Oo Xukuumada Muqdisho Ku Qasbaysa Inay Maamulada La Shirto Iyo Luuqad Adag Oo Farmaajo Ay Kula Hadashay

0
Wednesday June 10, 2020 - 19:59:04 in News by
  • Visits: 1716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Maraykanka Oo Xukuumada Muqdisho Ku Qasbaysa Inay Maamulada La Shirto Iyo Luuqad Adag Oo Farmaajo Ay Kula Hadashay

    Dawlada Maraykanka Oo Xukuumada Muqdisho Ku Qasbaysa Inay Maamulada La Shirto Iyo Luuqad Adag Oo Farmaajo Ay Kula Hadashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Maraykanka Oo Xukuumada Muqdisho Ku Qasbaysa Inay Maamulada La Shirto Iyo Luuqad Adag Oo Farmaajo Ay Kula Hadashay


Muqdisho(HWN):-Dowladda Mareykanka ayaa war-saxaafaded cusub oo ay ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay dowladda federaalka ugu baaqday inay si deg deg ah u abaabusho kulan ay la yeelaneyso madaxda dowlad goboleedyada dalka.



"Dastuurka ku-meel garaka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa saldhig u ah mabda’a wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah; qodobka 51(30), ayaa dhigaya in madaxweynayaasha ay ugu yaraan hal mar kulmaan sanadkiiba,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Farmajo iyo Yamamoto oo ku kulmay xerada Xalane | allsanaag

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay soo dhoweeneyso qoraalladii dhowaan kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya, kuwaasi oo codsaday kulanka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, xiriirkooda iyo wada-hadal waafaqsan dastuurka Soomaaliya.


"Soomaaliya waxay wajaheysaa fursado taariikhi ah iyo caqabado qoto-dheer labadaba. Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay muujiyaan dhiiranaan hoggaannimo ayaga oo meel iska dhigaya khilaafyada u dhaxeeya si ay isugu raacaan hanaanka doorasho oo cad, loo dhan yahay, waqtigiisana ku dhaca; u xaliyaan kala-qeybsanaanta siyaasadeed; ugu midoobaan dagaalka Al-Shabaab; dib u eegis ugu saameeyaan Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya; uga dhabeeyaan ballan-qaadka deyn cafinta; si wax ku oolna ahna uga jawaabaan saf-mareenka COVID-19,” ayaa lagu yiri bayaanka.


Dowladda Mareykanka ayaa intaas ku dartay inay ka go’an tahay inay taageerto dadka Soomaaliyeed, ayna sare u qaaddo ahdaafta ay ku mideysan yihiin iyo qorshayaasha mustaqbalka Soomaaliya.


"Ayada oo dib loo soo cusbooneysiinayo ballan-qaadka wada-hadallo nabadeed, waxaan ku kalsoonnahay in wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay xaqiijin doonto nabadda, barwaaqada iyo horumarka dhammaan muwadaaniniinta Soomaaliya,” ayaa lagu soo geba-gebeeyey qoraalka.

Loading...
Loading...