Jacaylk Burco Ayaa Xidhay...W/Q Amb Axmed Safiina

0
Wednesday June 10, 2020 - 17:50:06 in Articles by
  • Visits: 2028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jacaylk Burco Ayaa Xidhay...W/Q Amb Axmed Safiina

    Jacaylk BurcoAyaa Xidhay...W/Q Amb Axmed Safiina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jacaylk BurcoAyaa Xidhay...W/Q Amb Axmed Safiina

Bulsho badan ayaa xadhigaAbdilmalik Musa Coldoonku eedaynaya Madaxwayne Biixi iyo waalidiinta ardayda Abaarso School, laakiin cida xadhigiisa kaw ka ahayd waa jacaylka uu Burco u hayo, waxa jira Rag ay dawladu u arkaysay inay isku kiis yihiin oo ayaamo isu dhaw u soo jartay waaran iyagoo dalka kamaqan, bulshaduna ay ogaatay waarankaa jira.

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor


Laakiin Ragaa kale dalka kumay soo noqon, cabdi maalik intuu yimi ayaa bilo dhan burco dhexdeeda laga baafinayay, isna burco kamuu bixin, manuu baxsan, ismuu soo dhiibin, ee wuu ku dhex dhuumaalaysanayay, runtii waxa xidhay jacaylka Burco.


Goobaha u badan ee ilaahay loogu dhawaado waxa kamida jeelasha, Cabdi Maalik xadhigan u dambeeyay waxa uu ka faaiiday wax aanuu ibna aadam bixin waa Sharaf, Haybad, Magac wanaagsan, iyo Maamuus aad iyo aad u balaadhan.


Markaan dhinac walba eegay xadhigani muu ahayn mid caadiya, soodayn tiisuna may ahayn mid caadiya, waa umuuro ilaahay wato, ليقضى الله أمرا كان مفعولا ku eedayn maayo intii ka shaqaysay xidhigiisa, kuna amaani maayo intii ka shaqaysay soo dayn tiisa, waxa aan u arkaa bar bilawga mustaqbal wanaagsan iyo ayaamo waawayn oo ku soo fool leh Cabdi maalik.


Bal u fiirso oo is waydii waxa ay cabdi maalik ku jeclaadeen boqolaal kun ama malaayiin soomaali ah oo kukala nool todobada qaaradood ee dunida, cabdi maalik malaha wax yaaba uu indha ku garaad luhu ku cabiro jacaylkiisa, mahayo xil dawladeed oo madaxwayne ama wasiir dal maaha, malaha maal aduun oo qani iyo tujaar maaha, mahayo mansab beeleed oo suldaan ama caaqil qoys maaha.


Waxqabadka u badan ee cabdi maalik ay umadu ku jeclaatay ilaahayna ka raali yahay waa caawinta danyarta iyo looma ooyaanka, waxaan xasuustaa maalin uu Baaq culus oo quluubta umada soomaalida ruxday u soo diray Madaxwayne Ahmed Siilaanyo.


Baaqaas oo ah qaylo dhaan u hadlaysay laba hooyo oo aad u jilicsan oo Burco ku dar xumaysan, waxa ay ahaayeen bilaa hoy, bilaa daryeel, bilaa quud, bilaa xanaano, xannuno culusna ay u dheeryeen, waxay ahayd 10-May-2015 Anigu wakhtigaa waxa aan xil ka hayay xukuumadii Madaxwayne Ahmed Siilaanyo, fariintana waxa aan arkay maalin kadib waliba goor dambe 11-May-2015 saacadu mar ay dhaaftay 11:00 habeenimo, waxa fariinta ka mid ahaa in cidii aragta ee madaxwaynaha gaadh siin karta in ay gaadhiiso, ana waan gaadh siin karayay talaabadii ku haboonaydna waan ka qaatay.


Isla habeen kii ayaan u diray xafiiskii madaxwaynaha subax nimadiina waxaan tagay madaxtooyada, arintii waxa aan kala kulmay Wasiirkii madaxtooyada Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xassan, Xoghayihii madaxwaynaha Cali Axmed Cali, iyo Amb Baashe Cawil mid kamida kaaliye yaashii madaxwaynaha ahna qosyka madaxwaynaha, waxa aanu laba shir ku galnay xafiis madaxwaynaha iyo xafiiska wasiirka madaxtooyada.


Go’aan kii waxa qaatay wasiir xisri oo yidhi hada cabdi maalik ii garaac isla markii waanu lahadalnay markii hore taleefanka nagamuu qaban, goor dambe ayuu nagu soo celiyay, waxa aan u sheegay go’aan kii wasiir oo ahaa in bari subaxa uu cabdi maalik noogu yimaado hargaysa iyo xafiiska madaxwaynaha, waxaan u sheegay hadii aanuu gaadhi haysan inaan hada gaadhi u soo dirayo, wuxuu yidhi waan haystaa isla habeen kii ayuu soo baxay hargaysa ayuu nala seexday subaxiina madaxtooyada ayaan u qaaday.


Judhiiba markaanu galnay waxa salaan ku boobay Ciidamadii ilaalada madaxtooyada, Shaqaalihii, Masuuliyiintii, iyo Wasiiradii wakhtigaa ku sugnaa madaxtooyada, cabdi maalik, cabdi maalik, cabdi maali daa badatay salaamo iyo hambalyo badan kadib waxaan geeyay xafiiskii wasiir xirsi waxana la kulmay wasiirka iyo xooghayihii madaxwaynaha Cali Ahmed Cali.


Wasiirka ayaa ku yidhi "Walaal waad mahad santahay fariintaadana way nasoo gaadhay madaxwaynahana waanu gaadh siinay lacataa ayaanu baaqaa kaga qayb qaadanaynaa ee waalidiintaa wax ugu qabo, waxana ku raaci doona oo Madaxwaynaha ka wakiila Ahmed Safiina, hadaad wax kale u baahato dag dag waad noola soo xidhiidhi kartaa taleefan kaygiina waa kaa, sidoo kale hadaad doonayso waxa aanu kuu diyaarinayaa Badhasaabka gobalka togdheer iyo maayarka Burco.


Isla maalintii waxa aan kaxaystay gaadhi uu lahaa sxbkay Cali Axmed Cali waxaanu gaadhnay burco iyo hooyooyinkii waxaanu u dhisnay laba guri dhakhtarna waanu gaynay waxaanu wareejinay lacag kabadan 13,000 oo doolar oo madaxwaynaha iyo bulshadu u soo dirtay hooyooyinkaa.


Tani waxa ay kamid tahay 12 qiso oo wanaagsan oo aan kala shaqeeyay madaxtooyada wakhtigii madaxwayne Ahmed Siilaanyo, waana shaqada kaliya ee khayriga ahaa ee aan kala qab qaatay cabdi maalik.

Waxa aan ku dardaar mayaa cabdi maalik maaha ninkii la xidhi lahaa ee waa ninkii laga faaidaysan lahaa maskaxda eebe siiyay ee curinteedu badantahay mashaa alaah, haduu qaldamana waa ibna aadam ee hala toosiyo runtii sidaan ku ogaa waa nin talooyinka wanaagsan usoo istaaga oo qaata.

Sidoo kale cabdi maalik waxa aan kula dardaarmayaa in aanuu joojin wanaagii iyo shaqooyinkii lagu bartay, ka hadal maxaabiista dulman ee aad ku soo baratay jeelka, nala wadaag wararka waawayn ee ay ka sokeeyaan darbiyada gaashaamani.


Hajoojin dhaliishii dawlada ee darteed lagugu xidhay, laakin qaabkii dhaliisha badal oo qaab toosin ah u badal, hadanad mucaarad ahayn qaladaadka dawlada inaad dhaliisho ood sheegsheegto waxa ka wanaagsan oo ka saamayn badan inaad toosinta qaladka sheegto, waligaa xumaha nac oo toosi laakiin qofka xumaanta samaynaya hanicin ee waani oo soo dhawayso, waligaa cadhadaada hamuujin ee xilqarso.


Ugu dambayn waxa aan ku soo koobayaa CABDI MAALIK WAXA XIDHAY JACAYLKA BURCO hadaba Burco intee inleeg ayay jeceshay cabdi maalik bari markuu gaadho ayaan garan.

Amb Ahmed Safiina
Makkah al mukarama


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...