Gudoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya Oo Faah Faahisay Sababaha Ay Isku Casishay
Afhayeenka golaha Federeeshiinka ee dalka Itoobiya Khayriya Ibrahim ayaa sheegtay si ka baxsan dastuurka dowlad kelitalis ah oo dhismeyso maadamaa ay dooneyn iney garab u noqoto, iney rabitaankeeda xilki afhayennimo ee ay haysay ay uga tagtay.
Khayriya oo ka hadashay xilka guddoomiyenimo iney ka tagto waxa ku kallifay: "Koox kelitalis ah oo malinwalba dastuurka dalka ku xadgudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi", ayey tiri.
"Dowladda talada dalka Itoobiya hadda hayso waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka ay isku laaqdo si ay u kororsato mudda xileedkeeda."
"Si ka baxsan dastuurka oo aan horay looga baran dalka Itoobiya ayey isku dayayaan in qodobbada dastuurka loo macneeyo ama wax looga beddelo."
"Arrimahaasi oo dhan oo ay dowladda waddo oo khalad ah, haddana mas'uuliyiinta rabitaanka dowladda ka horyimaadda waxay maalin walba la kulmaan hanjabaado joogta ah" ayey tiri.
"Markaan noqonayey afhayeenka golaha Federeeshiinka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya waxaan ballan qaaday inaan dastuurka ixtiraamo isla-markaana aan ka shaqeeyo sidiI loo ixtiraami lahaa, marka dastuurka in lagu xadgudbo oo aan dowlad kelitalis ah oo dhismeyso aan garab u noqdo ma doonayo, sidaana ay xilka uga tagtay" ayey tiri.
Khayriya Ibrahim oo muddo laba sana ah soo ahayd guddoomiyaha aqlka sare ee dalka Itoobiya oo ka hadashay sababha ku kalliftay iney xilka ay haysay iska casisho, ayaa sheegtay talaabbada ay dowladda hadda jirto ku dhaqaaqday ay tahay mid ku xadgudbaysa awoodda xukun ee ay leeyihiin shucuubta iyo qowmiyadaha dalka Itoobiya.
Ku xigeenka xiriirka dadweynaha ee aqalka sare Gabruu G/sillaase wuxuu BBC u sheegay inuu ka warhaynin xil katagista guddoomiyaha.
Mr Gabruu wuxuu sheegay inuu warbaahinta kala duwan uu ka maqlay xil katagista guddoomiyaha golaha, balse weli xafiiska golaha wax codsi ama xog ah iney soo gaarin.
Khayriya Ibrahim oo gudoomiye ka ahayd aqalka sare ee dalka Itoobiya ee loo yaqaanno golaha Federeeshiinka ayaa waxay ka tirsan tahay xisbiga talada deegaanka Tigreega haya ee TPLF iyada oo ka mid xubnaha guddiga fuulinta xisbigaasi.
Iscasilaadda Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Itobiya Khayriya Ibrahim ayaa ku soo beegmaya xilli ay xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka Tigreega ee ka tirsan aqalka hoose ee dalka Itoobiya ay shaly su'aalo kulul weydiiyeen ra'isal wasaare Dr Abiy Axmed ayna ku eedeeyeen iney dowladdiisa ay shacabka Tigreega gacan bidixeyso.