Curdin-dhadhiye: Maanso Ka Hadlaysa Bahalnimo Loo Geystay Gabadh 12Jir Ah. W/T Siciid Gahayr

0
Saturday March 02, 2019 - 20:05:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Curdin-dhadhiye: Maanso Ka Hadlaysa Bahalnimo Loo Geystay Gabadh 12Jir Ah. W/T Siciid Gahayr

    Maansadani waxa ay soo baxday 27kii Feberweri 2019ka, waxay ka hadlaysaa gabadh yar oo 12 jir ah, oo kufsi, dil iyo xadgudub loogu geystay magaalada Gaalkacayo, xarunta Gobolka Mudug. Jidhdilka iyo naxariis-darrada dhacday waxa lagu astayn karaa dadq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadani waxa ay soo baxday 27kii Feberweri 2019ka, waxay ka hadlaysaa gabadh yar oo 12 jir ah, oo kufsi, dil iyo xadgudub loogu geystay magaalada Gaalkacayo, xarunta Gobolka Mudug. Jidhdilka iyo naxariis-darrada dhacday waxa lagu astayn karaa dadqalnimo.


Gabadhaas yar oo la odhan jiray Caasha Ilyaas, waxa ku dhacay xadgudub aanu ka adkaysan karin damiirka nooli. Waxa ay ku baaqaysaa in caddaaladda la horkeeno kuwii bahalnimada ku kacay. Tixdu waxa ay diiradda saaraysaa in la daryeelo haweenka iyo carruurta.



Kufsigu waa tacaddi soo noqnoqday, waxa ay carrabaabaysaa falal foolxun oo hore u dhacay sida:

1. Wiilal kufsi wadareed geystay oo sawirro ka qaaday bilistii ay fara-xumeeyeen, kuwaas oo lagu ciqaabay xukun aad u jilicsan

2. Askari xubinta taranka ka toogtay gabadh uu rabay in uu dhaxal-wareejiyo oo diidday

3. Nin ku eedaysan kufsiga gabadh yar oo Burco ku geeriyootay.

Maansada Curdin-dhadhiye, waxa ay tidhi:


Cawdeedu markay baxdee

Cammuuddiyo iil la dhigay

Waxay ku casuuman tahay

Cawada jannadii Allee

Waxay ka cataabaysaa

Caynkii ifka loogu galay



Dareenka haddaan cabbiro

Waxay tidhi Caasha-yarey

"Carruurtu ma ay mudnayn

Inay carcaraaf martee

Wuxuu canug kaa geyaa

Inaad carbisood hagtood

Asluubta cuddoon bartee



Haddaan curdin-dhadhiyihii

Kuwii cawo-beelka falay

Cadaawe sidaan ahaa

Kuwii i ciqaabay’ee

Caarcaarka naftayda baday

Cadkaygana sii jarjaray

Caddaalad haddaan la marin

Cawaaqib xun baa ku xigi”



Waxay tidhi Caasha-yarey

"Dameer calcalyada dhergaa

Markuu cosob goosto doog

Lammaanaha caacsadee

Sidiisa dad baa cahdigan

U caydhsada maatidoo

Dar baa jira caadhku hago



Cuf iyo tamar maan lahayn

Calyada qurux loo qubiyo

Wuxuu igu caashaqiyo

Calaamado jiita iyo

Ma lihi cambaruud bilnaa

Cimrina qaangaadh ma ihi

Culaysna ma qaadi karin



Caalluhu naxariis darnaa

Markaan cawday een "adeer”

Codsiga "igu daa” ku idhi

Cafiska iimuu tixgelin

Ilmada canka buuxisiyo

Codkaygana wuu bannaaday”



Waxay tidhi Caasha-yarey

"Hooyadu cudud bay u tahay

Caynaanada aadmigee

Caloosha kuwaan sidnow

Marka kale calmashada jacayl

Kuwaan calafkooda guur

Cawayska la loolaynnow

Cuurkaanu walaal nihiyo

Cidla’da wehelkoodiyow

Cakuye aabbaha mar kale

Caleenta la saarayow



Caliimku ragguu xillkiyo

Cayaanka u dhiibay ow

Maxaa caqligiinni helay

Wax ceeb ah inaad dhigtaan

Miyaan laga caagahayn?



Haddaan cilladdaa la dayn

Allaa ka cadhoonayee

Intaad is-canaana taan

Codkiinna ku diida tuu

Cawaanku haddeer ku kacay

Carraabaye duulka nool

Ka jira camalladan gurracan”



Waxay tidhi Caasha-yarey

"Calaacal wax kuuma taro

Cabaadka la faafin iyo

Waxaa cabashadan tiftaa

Dadyahaw celinaaya ficil

Xumaa lagu caabbiyee

Is-kaashada caalamkow



Xishoodku nimaanu celin

Coobbiyo ku muquunsha qori

Ishii Cali waa digniin

Caanyadu wax ku qaadatee

Haddaan xadgudbaha cadkiyo

Cidaamkiisaba la goyn

Ciriqa lama baajin karo”



Waxay tidhi Caasha-yarey

"Halkii cudud xoog leh mudan

Cambaari ma kaafidee

Cabbaysta hubkiinna oo

U ciidama hiilka dumar

Cabsida ha ku joogsadee

Cadaadiya kii shar wada”



Waxay tidhi Caasha-yarey

"Waxaa carrigeenna nool

Intay bilistii cuneen

Kuwii cawrada sawiray

Cadqaate waxaa fasaxay

Caantaynno ku qaata dhagar

Bulshada ceeb baa dul taal



Caruuska midduu galay

Ninkii curaddeedda dilay

U dhaafayna caydigiyo

Midkii yarta ceejiyee

Intuu cararkii firxaday

Dhallaanka la caymadee

Beentana ku caquuqay baa

Burcana ku cabbaaya liin

Dharaar cad miyaad dishaan?”



Waxay tidhi Caasha-yarey

"Nin ciidan ahaa rasaas

Ciqaabta miyuu haween

Cadradda shiish jaan ku deyay

Ku ciil baxay toogasahada



Haddaan casharkaa horiyo

Cibaaradu dheef ku barin

Wallee cudur sii kordhiyo

Caadaysiga oo socdiyo

Inuu dhaco caabaq filo”
Siciid Maxamuud Gahayr
[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...