27 May Maalintii Taariikhda Geeska Badashey( kasoo Bixidii Hargeysa iyo Burco) Q:16-16

0
Wednesday June 10, 2020 - 09:23:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 May Maalintii Taariikhda Geeska Badashey( kasoo Bixidii Hargeysa iyo Burco) Q:16-16

    W/Q: Maxamuud Biixi.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamuud Biixi.....

 

Waxii ka dambeeyey bishii August 1988-kii waxa halgankii hubeysnaa soo food saartey, xaalad cusub oo ah in shacabkii waqooyi intiisii badneyd ay qaxoonti dalkoodii uga qaxaan, badhna barakacayaal gudaha dalka ka noqotey, khaasatan Miyiga iyo tuulooyinka ku xeeran.

 

Sidii Burco horseed-ka ugu aheyd, ayeey noqotey tii laga hor baxey. Iyadoo aad uga duruuf duwaneyd ta Hargeysa. Iyadoo ay u dheertey in ciidanka Cadawgu si toos ah marka uga yimaado, min Kismaayo ilaa Burco iyo dagaalkoo la qabyaaladeeyey oo ah, dadka Xukuumada lagu tuhmayo kuna abtirsata, oo iyana maleeshiyaad fan-saar ah u ahaa Taliskii miliatriga ee dalka ku habsadey.

 

Dagaalo culus oo isdaba joog ah oo aan kala go’ laheyn, kadib waxa Jabhadii ka dagaalameysay, gudaha Burco, dagaal lagaga soo saarey gudaha magaalada Burco. Banaankana loo saarey.

Halku gabalku iskugu dhaco, ayuu dharaarta dambey dagaalku kasii bilaabmi jirey. Ilaa laga soo gaadhey deegaanka la yidhaa Jameecaad Caynaashe. Kani waa Odey Cabdi-Raxmaan Ahmed(Bohri) oo jiidaa xiligaa ku sugnaa, ayaa nooga waramaya waxa uu indhahiisa ku arkey.

waxa min Burco ilaa Jameecaad-Caynaashe ka dhacay dagaal aad loogu cartamey, la isla raftey, oo goobtaad martaba aad ku arkeysid gaadiid, tikiniko ah oo gaashaaman oo gubtey oo gawdiida dhulkaas,astaankii Faqashta-na leh. Iyo tuurar ciid ah; oo ah laguna aasey meedadkii ciidanka Siyaad Barre”

 

Waanu adkeysan kari weyney in aanu dagaalkaa riiq-dheeraadey oo maalin kasta ciidan cusub cadawgu soo safayo, anaguna kuwii uun-baanu nahey, waxa yidhi sidaas Gaashaanle Dhexe, Cumar Aw- Maxamuud(Dhaka-Finish). Waxa uu ku darey waxaanu yeelnaba garan weyney; ayuu ku darey Dhaka- Finish.

 

Waxa uu kusii ladhey. Goobta raga jooga ee saraakiisha ahi, wada tashaney; xal iyo xeelad ba weyney, saraakiishii waaweyneyd wax dhaawac ah iyo wax dhintey beey noqdeen. Sida Ahmed Macalin Haaruun, Maxamed Cali, Xandule Gacanlow iyo wax dhaawac ah, sida Ahmed Mire.

 

Talo waxay ku ururtey in aanu isagoo dhaawaca soo qaadno Ahmed Mire, markii aanu keeney uu arkey xaaladda taagan ee cakiran, warbixintiina uu qaatey.

 

Waxa uu Ahmed Mire, noo sheegey,xeelad horeba uusii guntaneyd, oo xaaladan hadda aanu galney lagaga bixi karo. Waxaanu Ahmed Mire noo sheegey; horta iska ilaawa in wax muhimada leeday Burco iyo goobaha ciidan ee aynu naqaano.

 

Guura oo ka baxa meesha ayuu Mire ku taliyey, oo qabta Oodweyne, cadowgu waa idinka daba imanaya!!! Hadana ka guura oo qabta Burco, wey idinka daba imanaya. Hadana guura oo qabta xuduudda, wey idinka daba imandoonaan!!! Ila meereyso wada gala, iyagaa aqbali doona in aydin wada degtaan. Oo aydin noqotaan col wada yaal.


Maalintaas nabad beydin helaysaan, kolba meel beydin ku duuli doontaan, idinkoo nabad ahna ayeeydin soo noqon doontaan. Waxaana meeshaas ka bilaabmey xaalad Jabhadii dalkii gudi-hiisa ku nagaato, shacbigiina ciidankooda dugsado, nabadna ay ku joogaan. Ayuu ku gaba-gabeeyey Dhaka-Finish

 

 

 

Ciidankii Hargeysa-na sidaas buu yeelay, Faqashtiina ogaatey, waxba kamey daba tagin, bacdamaa ay Hargeysa looga baxey.

Wax waliba waa dabad yaal, xaalku waa xabaal iyo ninkeed loo kala tag! Sidii uu Silaanyo(Gudomiyihii SNM) sheegey 7 January 1990-gii isagoo gaaf-wareegaya guutooyinka ku sugnaa, jiidaha hore ee dagaalka.

 

Waxa reer waliba iskii u abaabuley ciidan iyo hub waxa uu heystey, iyadoo hadhaagii Jabhaduna nin waliba reerkiisa ama halkii deegaankiisa ugu dhow iska xaadiriyey, ay reer waliba difaac ugalo bad- baadinta dadkiisa, dhulkiisa iyo xoolahiisa.

Hadaba, waxa sameysmey Guutooyinkii SNM oo kala ahaa sidan:

 

Aagii Burco(Madiina) waxa ka dhashey

 

Guuto 1aad oo Bariga Burco ah. Guuto 8aad Galbeedka Burco ah. Guuto 2aad Oodweyne ah.

 

Aagii dhexe ee Cadaadley waxa ka dhashey:

 

Guutadii 3aad Barkhad Hargeysa….taliskeedu Toon Guutadii 12aad Hargeysa…….taliskeedu Bandar-wanaag.

Guutadii 6aad..Berbera.         taliskeedu Isku-Dar(Buurta-Gacanlibaax)

Guutadii 11aad Dacar-Budhuq iyo Abdaal         ciidankii lugta ee Heybe laambad

 

Aagii Hargeysa(Maka) waxa ka dhashey:

 

Guutadii 4aad(Sayid Cumar iyo 20aad).   Caydaroosh Galbeedka Hargeysa

Guutadii 5aad     Gabiley.

Guutadii 10aad Sancaani jeeda Xaabale iyo Habaasweyn.

 

Sanaag

 

Waxa iyana dagaalkii ku fidey Gobolka Sanaag isagoo ay ka dhalatey Guutadii 9aad oo noqotey cida kaliya ee leh ciidan Baddeed waxaaney ku waajahneyd Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn, talisna waxa u ahaa Buurta Daallo.

Halka ciidan ka tirsan 1aad iyana joogeen Galbeedka Sanaag iyo Caynabo. Waxa jirtey Guuto boos buuxin ah oo aan tamarin loona qorsheeyey Bariga Saaxiil, looguna yeedhi jirey 7aad.

 

W/Q: Maxamuud Biixi.....


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...