Mashaariicdan Hoose Oo Ay Maalgelinayeen Dawlada Imaaraatku (UAE )Waa Wada Faashil Oo Looma Fulin Sidii Lagu Heshiiyey .
Qalinkii A/Rahmanfidhinle UK
Baadhis iyo dabo gal mudo dheer qaatay ka dib,
Waxaa loo sibir saaray in Mashaariicdan hoose ee
dawlada imaaraatigu
(UAE)
maalgeliyeen
ay ku wada fashilmeen gacantii dawladii Siilaanyo
taas oo uu abaanduule ka ahaa Xafiiska dawlada Somaliland ku laheyd dalka
Imaaraatiga
waqtigii dawlada Siilaanyo. Qaar ka mid ah Mashaariicdan waxaa ilaa
hada dul hoganaaya mad-madow faro badan, Musuq- Maasuq , iyo mashruuc ku
macaash
aan loo meel-dayin.
1- Mashuruucii Baaxada lahaa ee Biyo Xidheenka Weyn ee Xubo weyne ee ( Waaheen ) Mashruucan waxa la bilaabay
26/12/2015 Waxaana uu dhamaan lahaa
25/08/2016- Mashruucan oo fashilmay,
fashilaadiisa waxaa iska baracday dawlada Muse Biixi waxaana fadeexadaa
loo sibir saaray Dawaladii Siilaanyo
iyo Wasiiradeedii.
2- Mashruucii Biyo gelinta Xunbo weyne (
Pipeline ) Mashruucani wuxuu ku fashilmay gacantii Dawladii Siilaanyo iyo dawlada UAE oo usoo wakiilatay hayada
Khalifa Foundation.
3- Mashaariic horumarineed oo yar yar oo iyana isugu jira Xarumo
Caafimaad (MCH), Dugsiyo Waxbarasho iyo Suuqyo la socda ayaa lagu
heshiiyey in la dhagax dhigo
1/3/2016 si ay mashaariicdaasi u dhamaadaan
28/02/2017. Mashaariicdaasi waxaa loo qoondeeyey
in ay ka fulaan magaalooyinka Borama, Hargeisa, Burco iyo Berbera
lakiin waxay ku ragaadeen gacantii markaa maamuleysay ee Xukuumadii
Siilaanyo.
4- Mashruuca dhismeyaasha Hospitaalada laga bineeyey magaalooyinka
Berbera, Burco iyo Hargeisa ayaa iyaguna qabyo wada noqday oo aan weli
la dhameystirin.
5- Mashruuca Wadadii rajada ee Berbera Corridor ee la dhagax dhigay
28/02/2019 ayaa mudadii uu socotay oo ah
15 bilood lagu dhameeyey
12-Km oo keliya taa soo u muuqata in aanay marna ku dhamaaneyn waqtigii loo mudeeyey in ay wadadaasi ku dhamaato oo ku began
May 2021. Waxaa nasiibdaro ah in 6-dii shirkadood
ee dhismaha wadada waday lagu soo koobay shirkad keliya oo aan marna ku
dhamaystireyn Wadadaas waqtigii loo cayimay.
6- Mashruuc Waxbarasho oo Scholarship ah oo ay ku balan qaaday in
ay bixinayso dawlada imaaratigu UAE ayaan isna fulin. mashruucan oo ay
aheyd in
45 arday ee ugu horeeya in ay dawlada imaaraatiga
UAE waxbarasho u tagaan, taa soo lasyku raacay in uu bilaabmo taariikhda
20/01/2016. Qaadista Ardeydan waxaana ku fashilantay Hayda
Khalifa Foundation iyo Xukumadii Siilaanyo ee markaa talada haysay qaar ahaan Wakiilkii Xafiiska Somaliland ee UAE Waqtigaas fadhiyey.
7- Mashruuca kor u qaadida aqoonta iimaanada masaajidada Somaliland oo laysku raacay in
22 iimaam
loo qaado oo lagu tababaro dalka
UAE 17/01/2016
8- Mashruuca Tayenta aqooneed ee Wariyeyaasha
idaacada Quraanka kariimka ka shaqeeya , Qalabeynta iyo dhismaha
Idaacada Quraanka Kariimka oo lagu heshiiyey
in mashruucan lagu dhameystiro
20/01/2016, Nasiib daro Labadan mashruuc midina ma fulin
.
9- Mashruuca Dayactirka Wasaaradda Awqaafta oo lagu heshiiyey in
19/06/2016 lagu dhameystiro mashruucaasi isna uma fulin sidii loogu heshiiyey.
10- Mashruuca Wersheda Hilibka ee Berbera oo loo qoondeeyey in la dhameystiro
7/06/2016 -Mashruucan weli umuu dhamaan sidii loogu talo galay
.
11- Mashruuca Berbera Free Zone ee ay bilaabi lahaayeen imaaraatigu dhamaadkii sanadkii hore
10/12/2019 isna weli wuu rafanayaa
.
12- Mashruucii horumarinta tamarta oo ku kacaayey lacag dhan
$7 million doolar kaas oo ay ka fulin lahaayeen magaalada Berbera isna waxba kama soo naaso cada.
13- Mashruucii Saldhiga fadhiisinka ciidamada ee Madaarka Berbera oo isga aan weli dhinacna loo dhaqaajin. Yaab !!
Dhamaan mashaariicdaas kor ku taxani waxay wada noqdeen "
Aan ka fuudee Allow Fii haa " iyo qaar aan fulin iyo qaar noqday faashil lagu daneystay.
Gebagebo : Waxaa Xukuumada Somaliland loo soo
jeedinayaa in ay gudi dabo gal ah u saarto dhamaan mashaariicda ay balan
qaadeen dawlada imaaraatigu oo aan badankoodu u fulin sidii loogu talo
galay. Mashaariicdan is wada taagtay qaarna noqdeen faashilka waxaa
markhaati u ah sida ay u sii kala fogaanayaan xidhiidhka ka dhaxeeya
dawalada imaaraatiga UAE iyo Somalilaan.. Waxaan idiinku soo
garoocayaa qormadan " Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa -
Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso" !!
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...