Taariikhda Madaxweynihii Burundi Oo Geeriyooday

Nkurunziza, oo muran badan dhaliyay kaddib markii uu xilligii saddexaad usoo istaagay xilka madaxweynaha, wuxuu dalka Burundi hoggaamiye ka ahaa muddo 15 sano ah.
Wuxuu
sanadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuusan markii 4-aad usoo istaagi doonin
doorashada madaxweynaha.
Markii ay doorashada dalkaas dhacday bishii May ee sanadkan, waxaa la shaaciyay in Nkurunziza, oo 55 jir ahaa uu noqon doono hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalkaas.
Waxaa sidoo kale la sheegay inuu heli doono lacag dhan $540,000 (£440,000) oo loogu talagalay inuu u qaato howlgabnimo.
20-ka bisha August ayaa lagu waday inuu xilka ku wareejiyo madaxweynaha hadda loo doortay dalka Burundi, Evariste NDayishimiye.
Wuxuu dhashay 18-kii bishii December ee sanadkii 1964-kii.
Ka hor inta uusan siyaasadda ku biirin wuxuu ahaa ciyaartoy ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad,.
Kaddib
wuxuu noqday tababare dhinaca ciyaaraha ah. Muddo kaddib wuxuu isu baddalay
hoggaamiye fallaago, ilaa uu ugu dambeyntii u weecday dhinaca siyaasdada,
taasoo u horseedday inuu noqdo madaxweyna ka noqday dalka Burundi.
Markii
ugu horreysay ee uu xilka madaxweynaha qabtay sanadkii 2015-kii waxaa soo
doortay xildhibaannada baarlamaanka.
Mar walba wuxuu ku doodi jiray in maamulkiisa uu nabad ka dhaliyay dalka Burundi. Isagoo sawirkaas ka faa'iideysanayana wuxuu isku tilmaami jiray nin dib u dhisaya dal ka mid ah waddamada ugu saboolsan caalamka.
Waxaa lasoo tabiyay in marka ay diblomaasiyiinta dalkaas taga damcaan inay kulamo la yeeshaan Mr Nkurunziza laga qaadi jiray magaalada caasimadda ah ee Bujumbura, si loogu geeyo madaxweynaha oo dad beeraley ah ku caawinaya abuurka dalagyada.
Taasi xitaa waa sababta ay beeraleyda abuurta avocado-da ay ugu magac dareen madaxweynaha.
Arrintani wuxuu taageero badan uga helay dadka reer miyiga ah, laakiin kuma uusan kasbanin dadka ku nool caasimadda Bujumbura, halkaasoo ay daggan yihiin siyaasiyiinta kasoo hor jeeda.
Ka hor inta uusan dagaalka sokeeye ka dhicin Burundi, Mr Nkurunziza, oo horay ugu takhasusay waxbarashada dhinaca ciyaaraha, wuxuu macallin ka ahaan jiray jaamacadda Burundi.
Wuxuu sidoo kale sannadihii 10990-meeyadii tababare usoo noqday kooxdii kubadda cagta ee ciidamada milatariga iyo kooxda Union Sporting - oo ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee dalkaas.
Hadda wuxuu lahaa koox isaga u gaar ah oo lagu magacaabo Hallelujah FC.
Aabihiis, oo ahaan jiray barasaab gobol, waxaa sanadkii 1972-kii lagu dilay xasuuqii ka dhanka ahaa qowmiyadda Huutuuga.
'Kali talis'
Dadka dhaliili jiray maamulkiisa, oo ay ka mid ahaayeen in ka badan 40 xisbi siyaasadeed iyo hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku qeexay inuu ahaa nin xukun qallafsan.
Waxay ku eedeyn jireen inuu ahaa madaxweyne kali talis ah oo aan oggoleyn inuu xilka wareejiyo.
Hadalkooda wuxuu xoogeystay markii uu
Mr Nkurunziza xilka u soo xigtaagay markii saddexaad, isagoo ku gacan seyray
dalabka dad mudaharaadeyaal ah oo doonayay inuu xilka iska casilo.
Dad badanb ayaa ku dhintay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee lagu diiddanaa dib usoo doorashadiisa. In ka badan 100,000 oo ruuxna waxay u bara kaceen dalalka dariska la ah, arrintaasoo soo celisay cabsi ku aaddan in Burundi ay dib ugu laabato dagaal sokeeye.
Mr Nkurunziza wuxuu sanadkii 2015-kii, kaddib doorashadiisii muranka dhalisay, ka badbaaday isku day lagu damacsanaa in afgambi milatari xilka looga tuuro.
Ciidamadiisii ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan afgambiga oo la qorsheeyay xilli uu dalka ka maqnaa.
Sanadkii 2018-kii, baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay hayaan caddeymo xooggan oo ku saabsan in dembiyo ka dhan ah bini`aadannimada laga geystay dalka Burundi.
Warbixintooda ayay ku xuseen dilalka, jirdilka iyo kufsiga, oo ay sheegeen inay badankood geysteen xoogagga dowladda - balse iyo sidoo kale kooxaha mucaaradka.
Safiirka Qaramada Midoobay ee Burundi ayaa markaas sheegay in warbixintaasi ay qayb ka ahayd qorshe caalami ah oo ka dhan ah dalkaasi.
Dowladda Burundi ayaa lagu eedeynayay inay abaabuleysay kooxo dhalinyaro ah oo geysta falalka dilalka ah iyo qalalaasaha ka dhanka ah dadka kasoo horjeeda xukuumadda.
BBC