George Floyd, oo dilkiisana uu dhaliyay dibadbaxyo gilgilay Maraykanka Oo La'aasay
George Floyd, oo ahaa nin ka tirsanaa Bushada Madow ee Mareykanka, dilkiisana uu dhaliyay dibadbaxyo gilgilay guud ahaan Mareykana iyo qeybo ka mid ah dunida, ayaa Talaadadi shalay lagu aasay magaalada uu ku dhashay ee Houston.

Xubno ka tirsan qoyskiisa, asxaabtiisa, siyaasiyiin, shakhsiyaad u
dhaq-dhaqaaqa xuquuqda rayidka iyo dad caan ka ah Mareykanka oo intooda badan
xirnaa dhar cad cad afkana uu u daboolnaa, ayaa ka qeybgalay kana hadlay
munaasabadda lagu macsalaameeyay Floyd.
Al Sharpton oo ka mida dadka ugu caansan ee u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda madaniga
Mareykanka, ayaa munaasbadda ka sheegay in George Floyde uu baddalay adduunka.
Floyd ayaa dhintay 25-ki May, kaddib marki uu qoorta kaga istaagay askari
caddaan ah oo ka tirsanaa qeybta booliska ee magaalada Minneapolis, kaasoo
marki danabana shaqada laga eryay lana xiray.
Qof waddada marayay ayaa muuqaal ka duubay dhacdada. Muuqaalka ayaa laga maqlay
Floyd oo dhahaya ‘ma nefsan karo’, ‘ha iddiin’ iyo ‘maama’. Muuqaalkaasi ayaa
kiciyay bannaanbaxyo rabashado watay oo lagu dalbanayo caddaaladda iyo in
boolisku uu dhowro xuquuqda dadka madoow.
Brooke Williams oo ah gabadh uu abti u yahay George Floyd ayaa munaasabaddi
aaskiisa shalay ka sheegtay, in ay neefsan karto isla markaana inta ay
neefsaneyso ay ka shaqeyn doonto sidii uu Floyde caddaalad u heli lahaa.
VOA