Xukuumada Oo Si Badheedh Ah Uga Hortimid Xayiraadaha Lagaga Hortagayo Covid-19 Iyo Saylici Oo Cali Seenyo U Jabiyey Amaradii Guddidiisu Soo Saartay

0
Tuesday June 09, 2020 - 19:15:04 in News by
  • Visits: 3362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Si Badheedh Ah Uga Hortimid Xayiraadaha Lagaga Hortagayo Covid-19 Iyo Saylici Oo Cali Seenyo U Jabiyey Amaradii Guddidiisu Soo Saartay

    Xukuumada Oo Si Badheedh Ah Uga Hortimid Xayiraadaha Lagaga Hortagayo Covid-19 Iyo Saylici Oo Cali Seenyo U Jabiyey Amaradii Guddidiisu Soo Saartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Si Badheedh Ah Uga Hortimid Xayiraadaha Lagaga Hortagayo Covid-19 Iyo Saylici Oo Cali Seenyo U Jabiyey Amaradii Guddidiisu Soo Saartay


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa si badheedh ah u jabisay amaradii xayiraada ahaa ee ay shaacisay in lagaga hortagayo faafitaanka xanuunka Coronavirus.


Guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ee xukuumada somaliland oo hore u shaaciyey in la hakiyey xafladaha waa weyn ee ay bulshadu iskugu timaado, dugsiyadii waxbarashada iyo goobaha kale ee dadku iskugu yimaado ayaa si cad u jabisay amarada ay shacabka hormoodka uga noqon lahayd fulintooda.




Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Saylici isla markaana ah gudoomiyaha guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ayaa si badheedh ah u jabiyey amaradii guddidu shaacisay ka dib markii uu magaalada Hargeysa kaga qayb galay munaasibad lagu soo bandhigayey Suugaan ku saabsan nabada iyo wacyi gelinta Covid-19.


Sidoo kale guddida ayaa iska indha tirtay xaflada uu madaxweyne ku xigeenku ka qayb galay oo uu qabanayey abwaan Cali Seenyo kaas oo sheegay inuu ku soo bandhigayo suugaan uu ugu tala galay nabada iyo wacyigelinta xanuunka Covid-19 isaga oo si badheedh ah u jabiyey amaradii xukuumada isla markaana xaflada ku soo marti qaaday masuuliyiinta xukuumada ee uu amarkooda jabinayey iyo dadweyne kale.


Dr. Cabdiraxmaan Jiciir oo ka mid ah bahda caafimaadka somaliland ayaa qorma uu soo bandhigay waxa uu ku faaqiday qaabka ay xukuumadu iskaga indha tirtay talaabooyinka ka hor imanaya amaradii xayiraada ahaa ee ay soo saartay.


Qormada Dr. Cabdiraxmaan Jiciir oo si faah faahsan u sharaxaysa khaladaadka aan xadka lahayn ee ay masuuliyiinta dawladu horseedka ugu yihiin shacabka ayaa u dhignayd sidan:-


Mawduucaygani ma daarana ashkhaas gaar ah, qof welibana magaciisa iyo meeqamkiisa qadarin ayaan ugu hayaa halkiisa. Waxaase uu ka jawaabi doona dhacdada xafladaha, caafimaadka guud,caqliga bulshada iyo xeerka oo lagu tuntay.


Xafladii suugaanta ee abwaan Cali Seenyo oo ku beegan wakhti xanuunku aad u fiday tirada guud ee laga helay xanuunkuna tahay (1819 qof) dhimashaduna ay tahay 25 ruux(AUN).


Waxa goobta jooga oo ka fooladaynaaya madaxweynu ku xigeenka Somaliland mudane Saylici, ahna gudoomiyaha gudida heer qaran ee koronaha, iyo qaar ka mid ah madaxda iyo labeenti bulshada.


Sidda ku cad awaamirti ay so saareen gabi ahaanba gudidu waxay madnuuceen wax xaflad ah haba yaraate, iskuuladii iyo goobihi waxbarashada weli way xidhan yihiin. Mana jirto go’aano kale oo ay so saareen kagana noqdeen arrintaasi, daliilna uma aha qiilka ay ku banaysteen habeenkasi ee ah waa la kala fogaaday, haddan dhamaan loo wada sinayn sharciga meel welibana sidaasi oo kale laga yeelayn.


Dhinaca kale, dhacdadi Dr Gaboose oo ku beegan wakhti xanuunku aad u yaraa(9 qof tirada guud ee laga helay) dhimashaduna aya ahayd 1 ruux(AUN), iyo xafladii afurka shaqaalihiisa, ceeb iyo ceebayn weyn buu ku mutaystey maalintasi, xata madaxweyne Muuse Biixi ayaaba si cad u weeraray, oo yidhi "duul dhakhatiir waashay baanu nahay, ha is wafajiyaan ficilkooda iyo fariintooda”.


Ma difaacayo Dr Gaboose, laakin saxdu ma sidday iyagu doonaan baa sax ah? Xaqa iyo xeerku ma ninkay jecel yihiin baa ah halyeey, ka kalena waa hacoo? Haddiise madaxadu iyo dawladuba ay sharciga ay so saareen u hogaansami waayeen yaa kale oo lagu hagi doona?


Tani, waa sababta keentay in ay shicibku aamini kari waayan madaxdooda iyo fariimaha caafimadka ee gudida koronaha so dirayaan.


Akhriste, maxay ku kala duwan yihiin labada xafladood ee Dr Gaboose iyo Abwaan Cali Seenyo? Ma logic-ba, ma cilmi baa siddani?ma Dawladnimo baa mise waa damiir liicay?


Haddaba, midna xukumadda aya raali ka ah oo la dhacsan, midna iyaga ayaan ogolayn oo ku kacsan maalintaasi.


Kii shalay hor boodaayey fariinta lagu durayey Dr Gaboose, maanta halkee buu ka dhacay damiirkiisu ?


Saxafadii miyey indho beeshay iyana? Mise iyagana laftoodu waa jaceyl iyo nacayb kale oo ishuwan, oo midna waa saxafi saaxiib aanu nahay midna waa dhakhtar ?


Gabogabadii : Siyaasaddeenu waa jaceyl iyo naceyb, maaha aragti, dan guud u hiilin, damaqasho umadeed, damiir saxan.


Yaa kale reeraha yaan lagu dawikhin waa (scapegoat) aya maalinata siyaasiyiintu u isticmaalan siddey iyagu doonaan,arrinkeenu waa hoogamin xumo, ayaa ina hoday oo ina haysata.


Loading...
Loading...