Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Dawlada Somaliya Oo Ku Saabsan Shirkada DP World .

0
Tuesday June 09, 2020 - 18:29:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Dawlada Somaliya Oo Ku Saabsan Shirkada DP World .

    Ueedada Jawaab Somaliland Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Dawlada Somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ueedada Jawaab Somaliland Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Dawlada Somaliya

Hargaysa (HWN) Wasaarada arrimaha dibada Somaliland ayaa qoraal ay soo saartey ugu  jawaabtey hadalka ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibada Soomaliya Axmed Ciise Cawad oo ku saasanaa shirkada DPWORLD ee maal gashiga ku samaysay Dekeda Berbera, waxaana war-saxaafadeedka Somaliland soo saartay udhignaa sidan:-

 

 

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka xuntay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha  Dibadda Soomaaliya ee nuxurkiisu ahaa iska horkeenka iyo khalkhal galinta xidhiidhka labada wadan ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaradka Carabta.

 

Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo Jumhuuriyadda Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan wax xidhiidh ah la lahayn Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wadahadallo ah oo u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya madaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraa ahayn maamul masuul ah, isla markaana aannu daacad ka ahayn wadahadallo midho dhal noqda oo ay labada dal ku kala baxaan.

 

Ugu dambeyn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso.

 

 

 

 


Loading...
Loading...