Roobab Dabaylo Wata Oo Bur-bur Xoogan ka Gaystay Deegaano ka Tirsan Lughaya.(Sawiro)

0
Tuesday June 09, 2020 - 17:40:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Dabaylo Wata Oo Bur-bur Xoogan ka Gaystay Deegaano ka Tirsan Lughaya.(Sawiro)

    "degaanada kale ee qasarahu soo gaadhay waa degaanka Hadayta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"degaanada kale ee qasarahu soo gaadhay waa degaanka Hadayta"

Boorama (HWN) Roobab qasaare maaliyadeed gaystay ayaa ka da’ay degaano ka tirsan degmada Lughaya, sida uu shabakada u xaqiijiyay duqa degmada Lughaya Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood "Roobabkan shalay galinkii dambe ayay ka da’een degaano ka tirsan degmada Lughaya waxana ay gaysteen qasaare maaliyadeed iyo mid burbur hantiyeed ah, degaanka Osoli oo ka mid ahaa degaanada uu qasaaraha soo gaadhsiiyay roobkani, ayaa waxa uu burburiyay dhamaan guryihii aqal-soomaaliga ka samaysnaa ee degaanka, sidoo kale dhismayaashii tirada yaraa ee ku yaalay jiingada ayuu ka qaaday, tukaamo dhawr ahna waxa uu burburiyay dhismihii ay ku jireen waxana soo gaadhay khasaare maaliyadeed”



 

Maayarka ayaa isaga oo hadalka sii wata waxa uu intan ku daray "degaanada kale ee qasarahu soo gaadhay waa degaanka Hadayta oo qasaarahu uu ku egyahay oo kaliya, dhismaha dugsigii hoose dhexe ee degaankaas oo jiingada uu ka qaaday, dhaawacyana uu gaadhsiiyay dhismahii dugsiga iyo sidoo kale in uu burburiyay koronto dhaliyihii ku shaqayn jiray qoraxda ee saarnaa xarunta caafimaadka ee MCH-ka degaankaas”


 

Ma jiro wax gurmad ah oo dadkaasi gaadhay, marka laga reebo mid degmada gudeheeda iyo dagaanka ah, waxana roobabkan ay barakiciyeen dad lugu qiyaasay ilaa 500 oo qoys oo markoodii horeba ahaa kuwo ay abaarahii ku dhuftay degmadu caydhiyeeyeen.


Maxamed Bili bili

Borama/Office

Loading...
Loading...