Qaran Mise Qabiil Keebaa Inoo Quman!

0
Tuesday June 09, 2020 - 17:02:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaran Mise Qabiil Keebaa Inoo Quman!

    W/Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)

Dad badan oo ka mida madaxyawaynta, culimada, dhalinyarada, aqoonyahanka iyo bulshada ayaa ka walaacsan mustaqblka dalka iyo qaabka wax u socdaan.

 

Waxaa muuqatay in bulshadeena iskaga milantay qaranimadii iyo qabiilkii, qofkii iyo qarankii,hay’adihii iyo xafiisyadii oo isu bedelay musuq qabyaaladeed oo dantii guud iyo tii gaarka ahayd aanay kal soocnayn.

 

Waxaa xadhkaha goostay oo noqday nidaam (system) in qofku aanu marti u ahayn sharci ee uu marti u yahay yaad tahay, maxaa taqaanaa ay bedeshay yaad taqaanaa iyo qaado isaguba wuu qaataye oo aan la xisaabtami karin.

 

Arinta iyaduna walaaca leh ee muujinaysa ayaan darrada waxay tahay marka lagga tago nidaamka leexday in goloayaashii dawladdu noqdeen sayladihii laaluushka iyo qabyaaladda (tribalism institutions) waxaa intaa dheer in qori isu dhiib ay noqotay oo laggu ababiyay ubaxii iyo dhalinyaradii wadanka qabyaalad taas oo keenaysa in cudurkaa dilaaga ahi uu riiq dheeraado oo ay adkaanayso in  loo helo daawo.

 

Qofkasta oo xil hayaa ma matelo bulshada ee waxa uu matalaa qabiilkiisa iyo qoyska uu ka soo jeedo, xitaa haduu yahay qof wanaagsan oo daacada oo qaranka iyo bulshada u adeega ma leh aqoonsi kale waa " reer hebel” oo bulshadu qiimayn  kale uma hayso.

 

Ma odhan karo aqoon la’aan baa jirta oo goloyaasha sadexda ah ee dawladdu ka koobantahayba waxaa ku jirra dad aqoon maadiya iyo mid diiniyaba leh oo sita shahaadooyin sarre laakiin waxay inbadan oo kamidi qabaan cudurada dilaaga ah ee qaraabakiilka iyo musuqu ka mid yihiin, waxayna afhayeeno u yihiin nidaamadan fasahaaday (systemically corrupted ) ah, ku darsoo hay’adihii ilaalin lahaa sharciguna kama badbaadin iyaguna musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo uma fulin karaan hawshii loo igmaday si cadaalad ku dhisan.

 

Arimaha kale  ee hadda noqday laf dhuun ku taagan ee

Nidaamka dawladu ku dhisan yahay waxaa ka mida:

 

1- qabyaaladda wax lagu qaybsaday ee xitaa kuraastii qaar reer hebel loo xidhay kuraasta Soomalidu waxay tidhaahdaa  " wadaanta isha ka xumaataa faylkay la tagtaa” taasina waxay horseeday dulmi,sed bursi, faquuqid iyo kala sarayn.

 

2- Nidoomka dimiqraadiyadda oo lagu qaatay si indho la’aan ah balse yeedhis ahaa oo aan xitaa daraasaad cilmiyaysan oo madax banaan iyo aqoonyahan loo xulay oo ka talo bixiyay jirin, balse sidiisii loo soo minguuriyay, "isu ekaa ayaamuhu” waxaa la qaaday jid la mida kii tawraddii Siyaad Bare ee lagu soo xanbaartay nidaamkii hantiwadaagga( communism),

 

nidaamka dimuqraadigu waa tuul lagula dagaalamayay diimaha iyo dhaqanada bulshooyinka lagguna kala furfuraayay aduunka, yoolka fog ee lagga lahaana uu ahaa in la helo nidaam caalamiya oo laggu maamulo khayraadka iyo siyaasadda aduunka ayadoo wajigiisii dhabta ahaana hada la gaadhay (New world order) oo nuxurkiisu yahay in dad kooban oo gaar ahi caalamka dhaqaalihiisa iyo maamulkiisaba  la wareegaan siday doonaana uggu takrifalaan.

 

3- Nidaamka is cabudhinta oo aan qofka loo ogolayn in uu ra’yigiisa cabiro iyadoo markiiba laggu shaanbadaynayo in uu nidaamka ka soo hor jeedo, lana kulmayo hanjabaado iyo xadhig, toosintii iyo turxaan bixintiina noqotay cadawga koowaad ee nidaamku leeyahay, arintaas oo keentay in siyaasiyiin iyo saxafiyiiniba  dalka ka yaacaan dhacdadani waxay i xusuusisay maahmaah Dadka Shiinuhu leeyihiin oo tidhaahda " Hadaad doonayso in aad run sheegto diyaarso faras dheereeya”.

 

Xaaladan cakiran oo dadka qofba si ugga jawaabo xal u helideeda, ayaa waxaa soo baxaayay dareeno intooda badani ay ku dhisayihiin caadifad iyo cadho laakiin aan ahayn kuwo ka turjamaya caqliyad ( rational) innagu hagta xal waara in dhibaatadan jirta loo helo.

 

Taariikhda Bulshooyinka caalamka marka aad dib u raacno laba arimood uun baa miduun xal u noqda in ay badbaadiso jiritaankooda qaran iyo umaddeed:

 

1-  in taladooda uu qabto qof ama koox isbedel doona oo ku  midaysan  fikrad (ideology) xukunka la wareegto oo ay mideeyaan bulshada una jeexaan dhabbo gaadhsiisa horumar iyo cadaalad tusaale ahaana aynu u soo qaadan karo China iyo Rwanda.

 

2- In dadkaasi uu la kulmo cadaawad dibada kaga timaada ama uu galo gumaysi taas oo midaysa bulshada ku dhaqan sidii ay isaga caabin lahaayeen oo u heli lahaayeen xoriyadoodii oo iyana keenta in ay aayahooda ka tashadaan oo midoobaan tusaale u soo qaadan karo dagaal kii labaad dabadii oo horseed ka noqday in Europe inteedii badnayd midaobaan.

 

Waxaa markaa haboon in bal dib loo xisaabtamo oo lays waydiiyo xagaynu u soconaa ? maxaynu doonaynaa ? dal caynkeeya baynu rabnaa oo mustaqblka hiigsanaynaa? nidaamadii aynu qaadanay in aynu isku maamulaa horteenay ku fashilmeen maxaa Xala? Iyo su’aalo la mida oo khuseeya aayatiinkeena ummadnimo iyo qaranba.

 

Allah mahadleh.

 

Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...