Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay Xaalada Dalka Suudaan, Baaqna Dirtay
Addis Ababa(HWN):-Dawlada Itoobiya ayaa ka hadashay xaalada dalka Suudaan oo aan ilaa hada deganayn.
War ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in Addis Ababa ku baaqayso in xal nabadeed laga gaadho xaalada ka taagan dalka Suudaan.
Baaqa dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyada oo ciidamada milatariga ee dalka Suudaan ay xukunka ka tuureen madaxweyne Al-Bashiir oo xukunka Suudaan hayey mudo ku dhaw sodon sanadood.
Warka ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Itoobiya ayaa lagu yidhi sidan:-
Itoobiya waxay ku kalsoon tahay in dadka Suudaan ay ka tallaabi doonaan wakhtigan adag
Itoobiya waxay si buuxda u xushmaynaysaa xornimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka Suudaan, waxayna si niyadsami ah u rajaynaysaa in dhammaan dhinacyadu ay xal nabadeed u heli doonaan mashaakilka.
Itoobiya waxay si dhamaystiran u fahamsan tahay ixtiraamaysaana rabitaanka dadka Suudaan, wayna garab taagan tahay.