Ugaadhsadihii jaceylka galay iyo gabar qurux badan..

0
Tuesday June 09, 2020 - 12:11:54 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugaadhsadihii jaceylka galay iyo gabar qurux badan..

    QEYBTII 3AAD OO XIISA LEH.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QEYBTII 3AAD OO XIISA LEH.

Aragtida qofkii ay jeclayd iyo Quruxda qaabka loo habeeyay goobta waxaa usii dheer xaalad murugo iyo silac ah.

 

Sheeko iyo kaftan dheer kadib Ninkii ugaadhsadaha ahaa ayaa ku yiri gabadha waxaan rabaa inaan ku guursado oo nolosha aynu ku ahaanno wehel si jaceylka iyo farxadeena aan usii kordhinno , gabadhii mar qura bay oohin la dhacdey cajiib farxad bay kuwada jireen lamaanayaashan maxaa keenay oohinta ninkii waa uu naxey cabsi ayuuna dareemay waxaana uu ku yiri "Maxaad la oyneysaaā€¯?

 

Gabadhu waxa ay sheegtay in aabaheeda uu nin hantiile ah kudarayo iyaduna aysan jeclayn guurkiisana ay rabin balse aysan awoodin iney ku caasido waalidkeeda.

 

Ugaadhsadihii ayaa isla markiiba u tagtay gabdhii aabaheed oo waydiistay gacanteeda ama in uu siiyo gabadha laakiin aabihii ma uusan aqbalin maxaa yeelay waa ugaarsade faqiir ah xaaladdiisuna ay fududahay ama ay hooseeso ayuu yiri.

 

Markii ugaaadhasaduhu wax badan ku cadaadiyey aabaha in gabadhiisa uu siiyo ayaa aabihii wuxuu yiri "hadii aad runtii rabto inaad gabadhayda guursato waa inaad laba jeer soo aruurisaa ama keentaa lacagta ninkii kaa horeeyay ee uu keenay adigoo ku keenaya muddo hal toddobaad oo keliya, ugaadhsadihii aad bay uga jahwareertay arrintiisa talo meel uu ka billaabo ayuu garan waayay

 

Lasoco Qeybta xigta

Liibaan Cabdi Cali


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...