Madaxweyne Muuse Biixi Ha U Tudhin 10ka Bidde Ee Taliska Xamar Ee Naxashka Ku Dhex Bakhtiyay

0
Tuesday June 09, 2020 - 11:30:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Ha U Tudhin 10ka Bidde Ee Taliska Xamar Ee Naxashka Ku Dhex Bakhtiyay

    Kala Qayb Qaadanaya Dagaalka Iyo Duminta Qaranka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kala Qayb Qaadanaya Dagaalka Iyo Duminta Qaranka Somaliland.

Waxaa ayaan darro ah inaynaan ku baraarugsanayn dhibka iyo dagaalka cadawnimo ee ay Somaliland kula jiraan 10ka bidde ee u ban baxay inay xoojiyaan cadawnimada maamulka xamar u qabo jiritaanka Somaliland.



Waxaa ayaan darro ah in xukuumadda Somaliland, golayaasha Xildhibaanada iyo Guurtida, iyo Guddomiayaasha Xusbiyada Qaranku aanay marnaba is weyddiinin inay ka hortagaan cadaawadda ay wadaan maamulka xamar ee ay u adeegsanayaan kuwa sheegta inay Somaliland u dhasheen, si ay udumiyaan Jiritaanka Somaliand.


Waxaa ayaan darro in xeer ilaalinta iyo hay’adda nabadsugidda qaranku ka gaabsadaan inay ku dhaqaaqaan tallaabo sharci oo laga qaado kuwa Somaliland u dhashay ee xamar jooga ee ka qayb qaadanaya  wax alla wax kasta iyo tallaabo kasta oo lagu buruburinayo jiritaanka Somaliland.

 

Waxa ayaan darro ah in 10 bidde oo dhuuni dhaafsaday inay dalkii ay u dhasheen ee Somaliand cadawga soo wweraraya ka mid noqdaan, oo weliba ku faanaan inay si badheedh ah ugu jiraan dagaalkaas, kuna boorriyaan shacbiga Somaliland inay ka mid noqdaan dagaal lagu burburiyo Qarankii ay ku soo koreen, ee ay kusoo caano maaleen.


Waxay dalalka reer galbeedku ku dhiirradeen inay buunbuuniyaan taliska xamar ee maydka ah, ee naxashka ay ku lulayaan, markay arkeen Somaliland oo aan ku baraarugsanayn dhibka ay u leedahay.


Dawladaha reer galbeedku way ka dharagsan yihiin in Somaliland tahay qaran buuxa, waxayse arkayaan inaan xukuumadda Somaliland dhib u arkaynin biddeyaasha loo adeegsnayo inay matalaan Somaliland sidaasna ay u doorbidayaan inay aqbalaan dadkaasi inay sheegtaan inay Somaliland ka wakiil yihiin.

 

Dastuurka Somaliland waxuu xaaraan ka dhigayaa sheegasho kasta oo cidi sheegato inay Somaliland qayb ka mid ah tahay. Waxuu kaloo dhigayaa in ciddaasi tahay cadawga koowaad ee Qaranka Somaliland.


Dastuurka Somaliland marna ma bannaynayo in maamulka xamar iyo dastuurkiisu sharci yihiin, sidaa awgeed inaanu marna aqoonsanayn maamulkasta oo sheegta inuu yahay maamul soomaaliya ama fedeRaal soomaaliya.


Waxuu dastuurka Somaliland bannaynayaa, waajibna ka dhigay in dagaal lagu qaado cid kasta oo cadawga usoo raacda oo u dhalatay Somaliland. Waxaa xasuusin mudan in xeer ilaalinta Qaranka ay tahay waajib saaran inay dacwad kasoo oogaan dadkaa somaliland u dhashay ee aan marnaba ka gabban inay xoojiyaan dagaal maamulka xamar u caddaystay inuu somaliland kusoo qaado, si uu u burburiyo jiritaanka qaranimada Somaliland.


Xeer ilaalinta iyo sirdoonka Somaliland waxay hayaan caddaymo badan oo muuqaal ah, oo tusaya fal dambiyeedka ay gacanta kula jiraan biddeyaasha Somaliland u dhashay ee maamulka xamar u adeegsanayo inay dumiyaan jiritaanka qaranimada Somaliland iyo Nabadda ka jirta.


Xeer ilaalinta iyo guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ha gartaan waajibka saaran, oo dambiilayaashaa ha soo taagto maxkamad caddaali ah iyaga oo maqan. Dastuurku waxuu jideeyay in ruuX kasta oo  Qaranka dembi ka gala aanu maxkamad ka baxsan karin, xataa hadduu dalka dibaddiisa ku nool yahay, sharcina ay tahay in maxkamad la saari karo isagoo dalka ka maqan.


Colaadda iyo xiqdiga ka soo burqanaya maamulka xamar ee markuu cagaha ku istaagi kari waayay, ku naaloonaya inay Somaliland jiritaankeeda la dagaalamaan si uu foolxumadiisa ugu daboolo, waxaa Somaliland waajib ku ah inay qaaddo tallaabo kasata oo ay ku difaacayso jiritaankeeda.


Haddii maanta maxkamad la saaro 10ka bidde ee sheegta inay Somaliland ka soo jeedaan, oo dembiilayaal qaran lagu sunto marka xukun lagu rido, waxaa caddaanaoysa inaan dawladaha reer galbeedku ku dhiirranaynin inay matalaan qaranka Somaliland.


Madaxweyne Muuse Biixi waxaa la gudboon inuu war cad kasoo saaro sidii loo buruburin lahaa dhibka ay 10ka bidde ee Somalialnd u dhashay ee xamar u wakiilatay dagaalka Somaliland

 

Somaliland uma baahna dal aan iyada u baahnayn. Danta dunidu ku qabto ayaa ka badan danta Somaliland ku qabto caalamka. Somaliland iyada oo dalalka reer galbeedku cunaqabatayn dhaqaale iyo milatari saareen ayay cududdeeda ku caano maashay, oo is dhistay iyada oo addunku ka eegayay inay isku dunto markay wax walba ka goosteen.

 

Somaliland waa qaran jira oo jooga, reer galbeedkuna way arkayaan, haddaynu u sheegno inaynu ka maarano, waxay ku khasbaysaa inay usoo joogsadaan Somaliland, mar hadday ka maarmi karto.

 

Eebbe ayaa mahad leh.

Axmed Yuusuf

[email protected]

London U.  K.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...