Itoobiya Oo Sheegtay Inay Bad Heshaa Inay Qasabtahay Xili Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland Halkii Ugu Xumayd Marayso

0
Tuesday June 09, 2020 - 11:09:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Sheegtay Inay Bad Heshaa Inay Qasabtahay Xili Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland Halkii Ugu Xumayd Marayso

    Somaliland Siyaasadedii Halki Ugu Xumeyd Bay Maraysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Siyaasadedii Halki Ugu Xumeyd Bay Maraysa.



 

Raysal Wasaaraha Ethiopia oo Maanta Barlamanka ka hor hadleyna wuxu sheegay in ethiopia khasab tahay inay bad yeelato weliba deked keliya maaha hesho biyo ay ka sameysato Milix ay dhoofiso iyo inay sifayso biyaha bada sida dawladaha carabta, Waxa sida yidhi Raysal Wasaaraha itoobiya.

 

Waxa is weydiin mudan maanta malaha itoobiya bad  halka keliya isku wadaa waa ina la wareegto bada Somaliland wakhti ay halkii ugu xumayd maraysa siyaasadda arrimaha dibeda. Taaso ku dhimatey taliska korneyl Muuse Biixi.

 

Muuse Biixi intii uu tallada dalka hayay intay siyaasadi baaba'day ayey fashilantay.

 

Dad aan u ehel ahayn, isla markaana kartideedii iyo ku dhaceedii midna lahayn ayaa wasaaraddii ku kaliyaystay.

 

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay u baahnayd dad ku dhac leh (creative), maskax badan (Politically genius), dhisina kara qorshe leh seddex darran mid dooro (Contingency plans), isla markaana leh haybad iyo waji caalami ah (posses talent and popularity in the International system).

 

Sannadkii 2008 dii midawga Afrika wuxuu Somaliland usoo diray ergo uu hogaaminaayay ku xigeenkii ururka Midawga Africa, waxaana ergadaasi ka qortay Somaliland warbixin 40 bog ka koobnayd, oo ka hadlaysay inay Somaliland sharci ahaan (By international law contrast) ay tahay dal madax banaan.

 

Markii warbixintaasi soo dhaaftay xoghayntii ururka midawga Africa ee qorshahu ahaa in lagaga doodo shir madaxeedkii 2009, ayaa waxaa dhexda u gallay dalal Afrikaan ah oo ay ka mid ahaayeen Masar iyo Sudan, oo codkooda Veto ku diiday in warbixintaasi laga hor akhriyo AU Chamber ka.

 

Ugu yaraan waagii madaxweyne Siilaanyo joogay, siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland waxay ahayd mid xawli ku socota ha iska qaladaad badnaato eh (Aggressive diplomatic structure), oo ugu yaraan madaxweyne Siilaanyo wuxuu la kulmay 9 madaxweyne iyo diblomaasiyiin caalami ah, waxaana ugu wacna, masuuliyiintii wasaaradda arrimaha dibadda ku kala danbaysay ayaa ugu yaraan riixaayay.

 

3-dii sanno ee madaxweyne Biixi joogay, ee tallada dalka hayay, wasaaraddii arrimaha dibaddu waxay noqotay maqaaxi shaaha lagu dhex cabo, qadadana lagu sugo, waxaa la geeyay dad aan ehel iyo xigto midna u ahayn, inay curin karaan siyaasad iska dhaaf eh, aan meel uu dalku u socdaba aan ka war hayn, isla markaana waxay ku darsadeen caqabad horleh oo ah inay yahiin dhammaantood dad aan loo soo istaagayn.

 

Korneyl Biixi waxaa looga fadhiya inuu siyaasadda arrimaha dibadda gun ilaa baar isbedel ku sameeyo, dad ehel u ah oo wax badali kara, siyaasad curin kara, xidhiidh caalami ahna leh, aqoonteedana leh keeno.

 

Maaha oo qudha in wasiirka la bedelo, ee gun ilaa baar wasaaradda arrimaha dibaddu isbedel laxaad leh ayey u baahantahay.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...