Maamulka Koofur Galbeed Somaliya Oo Iska Fogeysay Eedeyn Loo Soo Jeediyay
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay in ay is hor istaag ku sameeyay Wadahadallo la doonaayay in ay dhexmaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in maamulkooda uusan la socon wararkaasi, islamarkaana aysan waxba ka jirin.
Koonfur Galbeed waxa ay sheegtay in diyaar u tahay in ay ka qeyb ka noqoto wadahadallada labada dhinac ee ku saabsan doorashooyinka dalka.
Warka kasoo baxay maamulka ayaa ugu dambeyntii lagu xusay in ay jiraan guddi u xilsaaran maamulka Koonfur Galbeed Wadahadallada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday Shir u dhaxeeyay maamul goboleedyadda iyo Madaxtooyadda Soomaaliya Saraakiil ka kala socotay, waxaana la sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu taageersanaa go’aanada Madaxtooyadda.