Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Bandhigay Caqabado Dawladu Ka Wajahday Diwaan Gelinta Ciidamada
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay caqabadaha xukuumadu kala kulantay diwaan gelinta iyo dib u habaynta ciidamada.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey munaasibad lagu xusayey sanad guurada 59aad ee ciidamada xooga dalka ayaa ka waramay faa,iidada laga helayo isbadalka lagu wado ciidamada waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Diwaan gelinta iyo tirakoobka ciidamadu waa isbadal balse dadku ma jecla sidaas daraadeed caqabado ayaa naga horyimid markii aanu bilawnay, haatana sidaasnu u soo wadnay waxaanu soo gaadhnay marxalad la sugay tiradamada ciidamada ay dawladu haysato.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka waramay caqabadaha ka horyimid waxaanu yidhi "Intii aan la bilaabin diwaan gelinta ciidamada bil walba iyo maalin walba dib ayaan u dhigaynay anaga oo ka baqayna in shacabka iyo ciidanku ay si kale u qaataan, bilay ciidamadu gadoodaan iyo arimo kale oo aanu ka baqaynay inay dhici karaan, mararka qaarna waxa dhib noqotay in ciidanka loo sameeyo xisaabaad gaar ah si mushaharkooda loo siiyo.”
Dowladda madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyayba u muuqatay mid wajaheysa caqabado waaweyn oo uga imanayay dhinaca ciidamada oo qeybo badan oo dalka ka mid ah ka sameeyay gadood ay uga cabanayaan in muddo ka badan Afar bilood aysan heli wax mishaar ah.
Laakiin madaxda ugu sareysa Qaranka ayaa arintaa uga fal celiyay in ciidamada gadoodka sameynaya yihiin kuwo aan u diiwaan-gashneyn Wasaarradda Gaashaandhigga, balse uusan jirin askari la diiwaan-galiyay oo aan wax mishaar ah qaadan.