Guddoomiye Cabdi Xaashi oo war kasoo saaray arrimaha doorashada dalka

0
Tuesday June 09, 2020 - 10:27:05 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cabdi Xaashi oo war kasoo saaray arrimaha doorashada dalka

    Qabashada doorashada heer federal waxaan looga maarmeyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabashada doorashada heer federal waxaan looga maarmeyn


Cabdi Xaashi oo weerar ku qaaday baarlamaanka | Caasimada Online

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyey in wada-tashiyada la xiriira doorashada heer federaal ay qeyb ka noqdaan dowlad goboleedyada, saamileyda siyaasadda, baarlamanka iyo xukuumadda.

 

"Qabashada doorashada heer federal waxaan looga maarmeyn in wada tashi deg-deg ah ay isugu yimaadaan dhammaan xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo daneenayaasha siyaasadda, si loo helo qaab raali la isaga yahay oo doorashada lagu galo,” ayuu Senator Cabdi Xaashi ku yiri Qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ee golaha Aqalka Sare.

 

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sida muuqata ku aragti noqday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, marka ay noqoto habka loo wajahayo doorashooyinka la filayo inay dalka ka bilaawdaan dabayaaqada sanadkan.


Loading...
Loading...