The Schools of Hellas
W/Q: Axmed-xiis Dharbaan
Waxbarashadii Giriiga
The Schools of Hellas
~ Kenneth Freeman, 1907
"Boqol dhalinyar ah oo waxbartay soo ururi, 100 kale oo aan waligood dugsi fadhiisanna isu keen, dabadeedna isbarbardhig ku samee gees kasta; awood ahaan, faham ahaan, aqoon kaydsasho ahaan, garaad ahaan, iyo xataa damiir ahaan - waxa aad la yaabi doontaa sida boqolka aan dugsi galline ay uga horreyaan kuwa kasoo baxay dugsiyada"

~ Leo Tolstoy, "Education and Children" 1862.
Aan usoo noqdo "The Schools of Hellas" oo uu qoray Kenneth Freeman. Kennath waxa uu warramay, Giriigu in aysan dugsiyaba lahayn - meel la isugu keeno gabdho iyo wiillal oo ay ku qaataan wakhtigooda dhalinyarranimo, iyaga oo ka amar qaadanaya qariib (stranger) aysan aqoon horre u lahayn - macalinka ayuu sheegayaa.

Ma jirin shaqo
guri (homework) ma jirin imtixaan diyaarsan (standerdized tests).
Imtixaanku waxa uu ahaa waayaha iyo dhaqanka deegaanka. Xaqiiqatan
dugsi (Skole) macnihiisu waxa uu ahaa meel fakahaadsi ah (leisure) -
fakahaadsi waxa aan uga jeedaa goob lagu fikiro (think) oo wax la isku
su'aalo (reflect). Goobtii Aftlatoon (Plato) ayaa ugu horraysay oo
iyaduna waxa ay ahayd meel lagu wadaago dood. Akadheemiya ayuu u
bixiyey Aflatoon madarisadiisa, manna ay lahayn fasallo, ma jirin jilis
la tumi jiray. Meel sheeko iyo saaxiibtinimo taal baa ay ahayd, aan
nidhaahdo qol lagu kulmo - salon.
Aristotle ayaa isna markii
dambe abuuray Lycium (lycee), wax la sheego kagama ay duwanayn
farsamadii Aflatoon, haddii laga tagi waayana waxa jiray laba darsi oo
uu mid subixii gelli jiray, ka kalana galabnimada. Ka gallinka horre,
xoogaa xawaare ayuu ku socon jiray, waxaanna dhegaysan jiray ardayda
fahamka fiican - darsiga kalena joog hoose ayuu ku bixin jiray
galabtii. Ma jirin xaadiris khasab ah.
Waxa kale oo jiray
'gymnasium' oo ahaa goob lagu tabbabarto oo u furnayd raga da' ahaan u
dhexeeya 16 -50. Legdinta, feedhka iyo xeelladaha dagaalka ayaa lagu
barran jiray halkaana.
Ma jirin waxbarasho khasab ah, marka laga
yimaado addoonta (slaves) oo iyaga loo diyaarin jiray "pedagogy"
halkaas oo pedagugue ugu gudbin jiray masuuliyadda/camalka ay u xilsaran
yihiin. Qofka xorta ah haba yaratee kuma uu qasbanayn fasal iyo
dugsiga - kaliya isaga ayaa xakamayn jiray oo tarbiyadayn jiray
naftiisa.
Pedagogy = nooc tacliinta ka mid ah: Waa nooc
shabahda wabarashada ay wakhtiyadan bartaan dadka loo yaqaan 'working
class' muruq maal.
Maraykanku, waxa ay qaateen nadaamka 'academia' France waxa uu qaatay 'lycees' halka Jarmaku ay qaateen Gymnasium - farsamada iyo wixii la hal maala ayaa ay Jarmalku xoogga saraan - inta baddana lama maqlo jaamacad caan ah oo ku taal Jarmalka.
Qayb ka mida baraarujinta tacliinta
Qaybo kale ayaa jidka kusoo jira

AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...