Ragii Jacaylku Haleeley Q2aad: W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

0
Tuesday June 09, 2020 - 09:25:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ragii Jacaylku Haleeley Q2aad: W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

    ABWAANKII JECLAADAY GABADHII IJO:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ABWAANKII JECLAADAY GABADHII IJO:

  Abwaankani wuxu ahaa ninkii gabadhii ijo jeclaaday ee cishqigeedu madax maray, waa ninkii guur daaye markaliya inu ijo arkaa ay u suurto gali weyday, waa ninkii tolkii u qaateen inu waalanyahay oo jinni qabo. kolku quusan waayey, gabyaagii dadkii xigtada u ahaa ay kula taliyeen inu ijo faraha ka qaado gabadh kalena deegaanka ka deydaydo, waa gabyaagii ay u balan qaadeen tolkii inay ka yarad bixin doonaan, hadii uu sidaa yeelo walibana ay xeryihiisa xoolo uga buuxin doonaan, gabyaagii markaas ugu jawaabay fardo, geel, lacag, dahab, iyo hanti kasta oo lay siiyo inu ka jecelyahay maalin uun intuu ijo hor fadhiisto oo la haasaawo waxaanuu yidhi:

Tisciin farasa xamar tawlan iyo tuurcade iyo maydal

Markab tiirsan lacag laytirsho iyo dahab lay tuulo

Lag todoba jiroo wada tifrina tiica iyo ayro

Waxaa iiga tolmoon ijoon kol u tiraabaaye.

 

Ragii soomaliyeed ee hore may ahayn dad aad u qaayibay dhaqanka uu ku jiro jil-jilaycu, waxayse ahaayeen rag ad-adag oo aan naxariistu agtooda oolin hayeeshee waxa jiray rag tiro yar oo dumarkooda jacaylkii ay u hayeen ka gabyey oo waliba amaanta dumarkooda ku dheeraystay oo meel walbana ka sheegay.



 Waxaana ragaa kamid ahaa cabdi warsame baanji "cabdi gahayr” oo ahaa gabyaa weyn oo si walba ugu tirsan ragii hore noolaa qarnigi 19aad kuna noolaa magaalada hargaysa berbera iyo deegaanada la ologa leh.  Waxa la yidhi beri baa waxa magaalo xeebeeda berbera ka bilaabmay tartan hawo jacayl ah oo ay ka qayb galeen abwaaniin farabadan oo mid waliba halkaa ka tiray gabayo iyo geeraaro amaan ah.


Ujeedaduna waxay ahayd in ninkastaaba uu gabay ku amaano gabadha uu jecelyahay, tartankaas oo gabagabadii uu kaalinta 1aad uu ku guulaystay cabdi warsame baanji "cabdi gaheyr” oo ahaa farshaxan xaga suugaanta aanay cidi ku cawryi jirin.


Wuxu ku bilaabayaa ararta hore inu guurku yahay milge wuxu cadaynayaa in talada xigtadu ay muhiim tahay xiliga barbaarku uu guurdoonka yahay.


Wuxu ku sifeeyey gabadhii uu jeclaaday:

Inay xaga quruxda u eegtahay sidigtii maandeeq

Inay ka qurux badan tahay beertii maacaleesh ee sheikh ku tiilay.

 Fardaha midabka ugu quruxda badan.

Muraad aan lahayn miridh.

Wuxu ku sifeeyey geedka maawaradka ah ee udgoon.

Hilaac ka muuqday madal loo dhan yahay oo 2 jeer la arkay kadibna la waayey.

Hablaha aduunka ugu quruxda badan ee reer suuriya.

Wuxu ku tilmaamay xuural cayn soo mudh tidhi oo aduunka u soo baxday.

Wuxu ku sifeeyey waxyaabo badan oo dumar lagu sifeeyo kuwi ugu qaali Sanaa Waxaanu yidhi:

Marka horeba guur waa milgiyo maarsi kala waaye

Hadaan lala mashaawarin tolkaa adiga oo maal leh

Oo lagama maarmee tashiga odayo loo miidhin

Ninkii keligii maalootiyaa meel xun waw halise

Ragase qaarkii uma meel dayee wayska mehershaaye

Anna waxaan ka miidhaa halkaan lagu masuugayne

Musrifkii gaboobiyo carmali muuno malahayne

Lagu mood madiixoo dhashiyo sidigtii maandeeqe

Lagu mood dhirtii maacaleesh midhihii saarnaaye

Lagu mood madheedh ueegeey dahabkii maarseeye

Sida baarqab may dhalay basari midabku waa beene

Lagu mood fardaha muuq kujiro midabadoodiiye

Lagu mood muraayad aan lahayn midabku waa ceebe

In lamaro madow iyo cadaan muumin iyo gaalo

Sida geeedka maawarada waa muunad gooniya ahe

Maxamuud garaad oo fardaha madal ku jeedlaaya

Lagu mood maqaamkii duntidiyo madaxii shaalkiiye.

Magaalada berbera maalintii madasha loo joogay

Lagu mood hilaacii mudh yidhee muuqday laba jeere

Lagu mood tiriigii mulyuun muxubadiisiiye

Lagu mood macdaarada cadmeed macawisii yiille

Lagu mood maryama xaashidii magaca weynayde

Haday carabtu waa midgo’e muranto kooskeedu

Dar baa midigta weligeed lahaa muunadii boqore

Lagu mood muluukida hablaha madaxdii reer suure

Madowga iyo casaanka isku jira sida masciideedka

Malahayga waa xuural cayn soo mudh tidhi showe

Maankaa waxlaga fiiriyaa saado lagu moodye.


Cabdigahayr wuxu ahaa nin dhaqan suuban oo hormuud umadeed ah wuxu gabaygan kusoo banbixinayaa qayb kamid ah anshiga wanaagsan ee uu leeyahay waxaana kamid ah inu yahay nin shaqaysta oo aan cidkale isku halayn, sidoo kale in aanu weligii ku masruufi doonin afadiisa, xaaskiisa miis iyo amaah, dhaqamada quruxsan ee cabdigahayr ku faanay waxa kamid ah in uu yahay nin aan reerkiisa weydiin wuxu siiyey iyo siday u adeegsadeen una madhiyeen, mar hadii uu yahay nin intaa oo dhaqana leh wuxu garawsanayaa inu yahay nin rag oo dhan u sareeya, gabogabada gabayga wuxu cabdi mahadnaq balaadhan u jeedinayaa afadiisa ugana baryey eebe weyne inu ku nooleeyo mahad eebe waxaanu yidhi:


Annoo maalin caantayno helay maalina hungoobay

Oy marada daabaqad kutaal iga madoobaysay

Mar hadaanan miis iyo amaah kugu masruufaynin

Mid aad mudane siisiyo mid aad gacal ku muunayso

Sikastaba u madhiyoo hadaan maanka la idoorin

Kol hadaanan mood guriga yaal meek u odhanaynin

Kol hadaanan hablihii midha yaruu kula murmayn haatan

Adna mahad ku noolow xarrago lagu muhiibsiiye

Anna wey mabsuud xaal aduun mowdka ka horoowe

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...