27 May Maalitii Taariikhda Geeska Badeshey(Bishii July-Augustiyo Hargeysa) Q: 15aad

0
Tuesday June 09, 2020 - 09:16:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 May Maalitii Taariikhda Geeska Badeshey(Bishii July-Augustiyo Hargeysa) Q: 15aad

    Lasoco qeybta.....16aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lasoco qeybta.....16aad

 

Halgankii dhuumaaleysiga magaalooyinku waxa  uu galay waqti uu isqaadi kari waayo; dadweynihii iyo jabhadii is barkanaa waxa liciifiyey, taakuleyn la’aan, culeys militaryoo cadawgii kaga socda, gabaabsi ciidan iyo rasaaseed, madaafiic dhameysay dad iyo dunyo, magaaladii waxay noqtey gabaahiira gorey-gii ka hadaafey(ghost city), taliskiciidankaoo ay kusoo oodantey, garabkii siyaasiga oo meesha kaba baxey, gudoomiyihii SNM oo marar uu BBC-da waxoogaa baala-xooftooyin majara-habaabina cadawga didisa mooyee; waxba aan maal iyo mood toonaba dadkii shuf-beelayey waxba ka tareynin.

 

Khaasatan culeys siyaasiya(Diplomatic pressure)oo aduunka u gudbiyo, hadaba maxaa soo waajahey jabhadiigudaha magaalada Hargeysa.Waxa madfici galaaftey taliyihii Sancaani AHN Maxamuud Heybe Goodhaadh, oo faliidh kaga dhacey bawdada agagaarka Rees School, halkaas oo daryeel la’aan ugu dhiig baxey kuna geeriyoodey,Waxa isna madfici galaaftey, AHN Axmed Dhagax waqooyiga Hargeysa, waxa intaas dheer, in ay dhaawacmeen, dhinteen intii badneyd taliyayaashii iyo abaanduulayaashii guutooyinka ka dagaalamayey Hargeysa, Sayid Cumar, 20aad, Sancaani,Barkhad iyo Sayid Cali.Goobaha dhaawaca lagu daryeelo, Kaadirkii aqoonta caafimaad lahaa, in badan oo kamid ah xaabadiibaa leeftey, badhna madfacbaa Deeble ku madhiyey in kalena dadkoodii kala lumey beey ka daba tagteyn, qalab iyo daawo ma jirto, dadka jajabay in lakabo ha joogtee,gudin baa adimada iyo gacmaha  lagugoynayaa, qofkii uur-ku-jirto xabad ama madfac kasoo rido gacanta inta lagu qaado ayaa dib loogu celinayaa, kadibnawaa la maxaadhinayaa oo la tolayaa sidii jawaan raashin lagu shubey.

Waxa lagaley xaalad; in ciidankii isba tahli waayo oo isku maaweeliyaan aynu eegno bal waxa uu gabal inoogu dhaco, marka gabalku dumana, aynu eegno wax waagu inoogu baryo!!!Dad iyo bahal meel ayeey u wada hoydaan, dadkii aragoodii waa qayirmey, wey adagtey in aad nin iyo geed kala garatid. Ciidankii garabaha ayeey isku hayeen, laakiin wax gurmad ah oo isasiin karaan ma jirto.Kani waa Sheekh Axmed Aw-Huube oo wadaada Ansaarul-Diin ka ah Hargeysa ka mid ah, waxa uu ii sheegey in subax ka mid ah bishii July in ciidankii 20aad ee lagu ogaa agagaarka Idaacada iyo Jeelka in kaalintoodii dib uga soo dhaceen, waxa fursadii ka faa’ideystey, ciidankii Daraawiishta (police milataria) kuwaas oo dhabar jabin ku dhuftey guutadii Sancaani ee suuqa Waaheen ku jirtey, waxa goobtaa ku shahiidey ciidan gaadhaya 250 oo Sancaani ah, oo inta u dhaxeysa Masjid Jaamca ilaa Sariibada Shiraaqle ayaanu ku wada aasney buu raaciyey.

Aw Huube.Waxa farxad ii aheyd, ayuu Aw-Huube raaciyey, iyadoo aanu xaaladaas ku jirna, ayaa Faqashtii waxa ku dul degey, ciidan kii Sayid Cali iyo Barkhad kuwaas oo si lama filaan ah isla goobtii ku diley ku dhawaad 300 nin oo Darwiish.

 

Waa maalin khamiis ah, oo horaantii July ah, waxaa noogu yimid tuulada Haashim, ee la jaarka ah Kaam Abokor, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo abaabul ku jira, hadalkuna kasoo baxeyn, waxa uu leeyey, isagoo u abtirinaya jilibada uu suldaanka u yahay ee Arab."Waxaan joogey Laanqeyrtii, waxaan shalay Hargeysa u direy 170 nin oo gurmad ah, Kaam Barwaaqo saakaan soo marey, 120 nin baa diyaar iigu ah, ee Haashinoow maxaad damacdeen. Goobtaas waxa lagu uruuriyey, ilaa 170 nin. Waxa suldaanku raaciyey in aanu jirin hal-sarkaal oo Arab ah caafimaad qaba, marka laga reebo Dayib-Gurey”.Ayuu yidhi Suldaanku. Aad baa dadkii u qiiroodey, suldaankii waxa uu sii raaciyey inta uu goob magaalada ka baxsan, uu dooyeeystey, ila soo gaadha ciidanka waa in aan galabta la caraabaaye.Maalintaa tuulada Haashin waxa dhaawac u yaal.  Muj. Xasan Gani oo aan xataa macawiista xidhan Kariniyo Muj. Cabdi-Dheere oo garabka iyo kalxanta kag dhaawacn. Iyagoo jiitamaya ayeey suldaankii galabtii la caraabeen.Isla maalintii xigtey waxaanu u kacney, Xarshin meeshaas qaxootiga laga qorayey, meeshaas lagama oga dagaal, dhaqdhaqaaq ganacsi, iyo aduunyo raadis, adhi la iibsanayo oo la dirayo ayaa la hadal hayaa, dagaal warkii daah.Jabhadii si habqan ah ayeey magaaladii uga baxaysaa(Laga Bilaabo August 1988kii) iyagoo in badanina shicib ahaan uga huleeleen magaaladii. Faqashtii ciidan culus bey galisey Hargeysa oo laba usbuuc waxey mitidaan SNM-tii waxey gaadhey, xiligii laga bixi lahaa magaalada, taliska ciidanka markaas waxa joogey sida uu sheegtey Laba Xidigle Muuse Biixi (Madaxweynaha SL).Waxa lasoo ururiyey qiyaastii 150 baabuur oo lasaarey ilaa 1500 dhaawicii Geed-Deeble yiiley, waxa ciidankii galbinayay dhaawaca watey Kornel C. Raxmaan Dhool-Dahale(Xuusho), goor habeenimo ayaa laga talaabinayey waddada Caabudla.

 

Nasiib darro waxa habeenkaas rasaas ifiso ahi laga soo ridey goob aan ka fogeyn ciidankaas talaabayay, waxa yaab noqotey in ciidankii ka yaaceen dhaawacii, waxa ka badbaadey nin adin ka jaban oo xaaskiisii xambaaratey.Maalintii xigtey barqinkii ayeey Faqashtii yimaadeen goobtii laga yaacey dhaawacii iyo baabuurtiiba waa kaxeysteen, halkaas oo dhamaantood lagu sadqeeyey Malka-Durduro, waa taliska Qeybta 26aad.Mujaahid aleystayoow Ninkii arligiisa iyo Ugo’ay aayaha dalkoo Ilaahey adaa u dhow

Rasuulkii adaa ag dagey Abaalkiisa heshee Janadda aqalka looga dhigeyIn aan ubaxa soo guroo Qabriga ugaila-xidho Iyo aan kuu aaro iyo Amaan adigaa iga mudan

Lasoco qeybta.....16aad

Maxamuud Biixi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...