Ciidanka Booliska Somaliland Oo Weriye U Xidhay Qoraal Uu Facebook Ku Qoray.

0
Tuesday June 09, 2020 - 08:34:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliska Somaliland Oo Weriye U Xidhay Qoraal Uu Facebook Ku Qoray.

    "Weriyaha la xidhay oo aan la ogayn in Boolisku Xadhiggiisa Maxkamad ka soo xalaashadeen iyo in kale"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Weriyaha la xidhay oo aan la ogayn in Boolisku Xadhiggiisa Maxkamad ka soo xalaashadeen iyo in kale"

Hargeysa (HWN) – Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xidhay Weriye ka tirsan Telefiishanka Madaxa-bannaan SAAB  ee Xaruntiisu tahay Magaalada Hargeysa.



 


Weriye Cali Fahad ayaa Boolisku xidheen Isniintii shalay  sida Warbaahinta loo xaqiijiyey.

 

Weriyaha la xidhay oo aan la ogayn in Boolisku Xadhiggiisa Maxkamad ka soo xalaashadeen iyo in kale, ayaa la sheegay in Ciidammadu ka soo qabteen Guriga uu deggan yahay.

 

Warar kala duwan oo ka soo baxaya Xadhigga Weriyaha ayaa sheegaya in Boolisku ay u xidheen qoraal kooban oo uu ku ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook, kaasi oo uu ku sheegay in Gaadhi ka mid ah Gaadiidka Boolisku uu jiidhay Gaadhi Tukhaan ah, balse Dirawalkii Gaadhiga Taksiga ah oo koomo ku jira uu Gaadhigii Boolisku isaga tagay, inkasta oo aanay jirin Cid xaqiijinaysa inay arrintu sidaa u dhacday.

 

Maaha markii koowaad ee Ciidammada Boolisku ay Qof muwaadin ah u xidhaan inuu Qoraal ku baahiyey Facebook-ga.

Loading...
Loading...