Akhriso Magacyada Shaqaale Uu Eris Ugu Hanjabay Agaasimaha Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Jamaal Cabdi Muuse
Hargeysa(HWN):-Xukuumada Muuse Biixi oo wali ku guda jirta ugaadhsiga shaqaale ka tirsan hawl wadeenada dawlada ayaa qorshaynaysa inay erido xubno cusub oo dawlada u adeega.
Agaasimaha wasaarada xidhiidhka goleyaasha iyo arimaha dastuurka Jamaal Cabdi Muuse ayaa fulinaya qorshe lagu bartilmaameedsanayo shaqaale ka hawl gala wasaarada uu xilka ka hayo.
Agaasime Jamaal ayaa qaaday talaabadii koowaad isaga oo shaqaale ka hawl gala wasaarada ugu hanjabay inuu eryi doono isaga oo guud ahaanba ka leexanaya nidaamka uu sharcigu tilmaamayo in shaqaale dawladeed lagaga eryi karo hawsha uu qaranka u hayo.
Shaqaalaha uu hanjabaada u diray agaasime Jamaal
Cabdi Muuse ayaa kala
1. Muuse Mohamed Farah
2. Kawsar Mohamed Aamin
3. Ayaan Mooge Ismaaciil
4. Farduus Cige Ibrahim
5. Ilham Abdirahman Ahmed
6. Bashiir Cabdi Balayax
7. Ammiin Ahmed Abdillahi.
Sidoo kale agaasime Jamaal waxa uu shiidaalkii maalinlaha ahaa ka jaray xubno ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaarada.
Agaasimahani ayaa horey Looga soo bedelay wasaarada biyaha Ka dib khilaaf soo kala dhex galay wasiirkii Biyaha ee wakhtigaasi iyo waliba shaqaalaha wasaarada biyaha.