"Awoodda Iyo Karaamada Qaranimada Shacabka Ayaa Leh, Dawladuna Waa Igmane La.."…Garyaqaan Guuleed Dafac
Hargeysa(HWN):-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay awooda uu dastuurku siiyey shacabka iyo shaqada ay yeelanayso dawladu.
Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu sharaxaad kaga bixiyey waajibaadka ay shacabku u igmadeen dawlada iyo sida ay muhiimka u tahay in lagu dhaqmo sharciga ugu sareeya dalka oo ah Dastuurka.
Garyaqaan Guuleed ayaa su,aal galiyey ujeedada ay leeyihiin cida aan doonayn inay ku dhaqanto Dastuurka ugu sareeya sharciga dalka, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi "Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale," qodobka koowaad ee Dastuurka Somaliland ayay sidaasi ku qoran tahay. Awoodda iyo karaamada qaranimo dawladdu ma leh ee shacabka ayaa leh.
Dawladdu waa igmane shacabku u wakiishay shaqo cayiman, mudo cayiman. "Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka," qodobka 37aad ee Dastuurka Somaliland.
Igmasho waa awood aanad adigu iskaa u lahayn ee cidda kuu diratay leedahay. Igmanaha awoodiisu waxa ay ku eeg tahay inta uu igmaduhu jideeyey oo qudha. Hadii laguu igmado inaad bariis soo iibiso, uma igmanid inaad buskud ku cuntid.
Sida ku cad qodobka 37aad, awoodda dawladda loo igmaday waa inay ugu dhaqanto si waafaqsan DASTUURKA. Dastuurku waxaanu siin ma yeeli karto, wax dastuurku qofka shacabka ah siiyayna kama qaadi karto.
Cidda diidan dastuurka in la raaco, waxa ay doonayso saw hada maad garan, ileyn adba caqlaad leedahay e.