Dawlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Doorashooyinka Ee Ay Maamulada Kula Xaajoonayso

0
Monday June 08, 2020 - 20:08:40 in News by
  • Visits: 1592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Doorashooyinka Ee Ay Maamulada Kula Xaajoonayso

    Dawlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Doorashooyinka Ee Ay Maamulada Kula Xaajoonayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Doorashooyinka Ee Ay Maamulada Kula Xaajoonayso


Muqdisho(HWN):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta DFS ayaa shirka Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay maanta kusoo badhigtay qorshe faahfaahsan oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka.




Soo Bandhigidda Qorshaha ayaa ka dambeysay amarkii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ee ku saabsanaa dardargelinta arrimaha doorshooyinka si loo hubiyo in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo.


Qorshahaan ayaa la filayaa in loo gudbiyo Golaha wasiirrada oo fadhiyadooda uga doodi doona, si uu dhaqan gal u noqdo loona billaabo in lagu howlgalo.


Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudaneMahdi Maxamed Guuleedayaa sidoo kale looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee DF iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021.


Loading...
Loading...