Madasha Xisbiyada Oo Shaacisay Natiijada Kulankii Xasan Sheekh Iyo Shariif La Yeesheen Gudoomiyaha Golaha Shacabka

0
Monday June 08, 2020 - 19:54:08 in News by
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madasha Xisbiyada Oo Shaacisay Natiijada Kulankii Xasan Sheekh Iyo Shariif La Yeesheen Gudoomiyaha Golaha Shacabka

    Madasha Xisbiyada Oo Shaacisay Natiijada Kulankii Xasan Sheekh Iyo Shariif La Yeesheen Gudoomiyaha Golaha Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madasha Xisbiyada Oo Shaacisay Natiijada Kulankii Xasan Sheekh Iyo Shariif La Yeesheen Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Muqdisho(HWN):-Madasha xisbiyada Qaran ee soomaaliya ayaa ka hadashay ujeedada kulan dhexmaray gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadii madaxweyne ee hore Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Shariif Sheekh Axmed.

Madasha Xisbiyada Qarax oo shaacisay natiijada kulankii Shariif, Xasan iyo Mursal


Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada qaran ee soomaaliya ayaa lagu faah faahiyey natiijada ka soo baxday kulankaasi iyo wada hadalka dhexmaray labada dhinac, waxaanu warkaasi u dhignaa sidan:-


Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ), mudane Sharif Sheikh Axmed iyo mudane Xasan Sheih Maxamud oo ka tirsan hoggaanka sare ee MXQ ayaa kulammo wadatashi ah waxay Axaddii (7 June 2020) la kala yeesheen labada guddoomiye ee labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal (Golaha Shacabka) iyo mudane Cabdi Xaashi (Aqalka Sare).


Hadafka kulammadan wuxuu ahaa in madaxweynayaashii hore ee dalka iyo hoggaanka golayaasha sharci dajinta dalka, inay iska wareystaan xaaladda guud ee uu marayo dalka xilligan. Si gaar ah, waxay labada dhinac diiradda u saareen arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo dhawaan, maadaama lagu jiro dhammaadka xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee federaalka.


Dood iyo gorfeyn qoto dheer kaddib, waxay guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran isla garteen ahamiyadda ay leedahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla ummadda Soomaaliyeed xilligan, lana abuuro jawi deggan oo si kalsooni ku dheehan tahay loogu abbaari karo waajibaadka dastuuriga ah ee la xiriira doorashooyinka federaalka.


Sidoo kale, waxay labada dhinac isla qaateen in la ballaariyo wadatashiga, lana tixgaliyo baaqyada kasoo yeeraya qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo gaaro xal ku dhisan isqancin iyo wada-oggol.


Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaranka wuxuu ka mahad celinayaa kulanka guddoonka baarlamaanka dalka, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa inuu diyaar u yahay inuu amuuraha masiiriga ah ee dalka kala xaajoodo cid walba oo kamid ah saamileyda siyaasadda dalka.


Madasha Xisbiyada Qaran waxaa loo yagleelay ilaalinta dastuurka KMG ah ee dalka, midnimada gayiga Soomaaliyeed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee dalka. Tallaabo walba oo ay qaadeyso MXQ waxay noqoneysaa mid ku qotonta mabaadii’daas aasaasiga ah.


Loading...
Loading...