Olole Cadaalad Loogu Raadinayo Gabadh Soomaali Ah Oo La Sheegay In Si "Cunsurinimo" Ah Loo Dilay Oo Ka Socda UK

0
Monday June 08, 2020 - 18:02:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olole Cadaalad Loogu Raadinayo Gabadh Soomaali Ah Oo La Sheegay In Si "Cunsurinimo" Ah Loo Dilay Oo Ka Socda UK

    "Shukri ayaa sanadkii la soo dhaafay ku geeriyootay webi ku yaala magaalada Manchester"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shukri ayaa sanadkii la soo dhaafay ku geeriyootay webi ku yaala magaalada Manchester"

Waxaa socda olole cadaalad loogu raadinayo gabadh Soomaali ah oo 12 sano jir ah laguna magacaabo Shukri Yahya Abdi.

 

Shukri ayaa sanadkii la soo dhaafay ku geeriyootay webi ku yaala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska .

 

Waxaa jira dad badan oo aaminsan falkan inuu la xiriiro "cunsurimo", iyaga oo dareenkooda ku muujinayay fariimo ay ku shaaciyeen baraha bulshada.

 

Qoyska Shukri ayaa dalka Ingiriiska u tagay inay helaan nolol wanaagsan iyaga oo ahaa qaxooti ka soo jeeda Soomaaliya.

 

Booliska Manchester ayaa dhacdadaan oo laga joogo muddo ku dhaw sanad ku tilmaamay "mid argagax leh" aysanna jirin wax hadda la tuhunsanyahay.

 

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbanaya baaritan hor leh, iyaga oo isticmaalaya hal kudhig ah #justiceforshukri oo ah cadaalad ha loo raadiyo geeridii Shukri.

 

Read Here Original Article


BBC

Loading...
Loading...