Doorashada Soomaaliya (Xaggay Sartu ka Quruntay?)

0
Monday June 08, 2020 - 17:19:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Soomaaliya (Xaggay Sartu ka Quruntay?)

    Mucaaradku maxay rabaan? Waa halka ay xaajadu ka tolantahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucaaradku maxay rabaan? Waa halka ay xaajadu ka tolantahay.



Doorashada ku haboon Soomaaliya oo ah dal kasoo bogsanaya ...

Mucaaradku waxay si weyn uga soo horjeedaan habka doorasho ee ay dowladda Soomaaliya xalka u aragto.

 

Dowladdu waxay rabtaa in ay fuliso sharciga doorashada ee uu baarlamaanku asaxiyay Disember 28, 2019, Madaxweynuhuna uu saxiixay Febraayo 20, 2020, Xilli uu ka qeyb galayay munaasabaddii xiritaanka kal-fadhigii 6aad ee Golaha Shacabka.

 

Sharcigaa waxu hoosta ka xarriiqayaa in axsaab lagu tartamo, shacabku uu doorto baarlamaanka, baarlamaankuna uu doorto Madaxweynaha. Intaasi waa war cad.

 

Mucaaradku maxay rabaan? Waa halka ay xaajadu ka tolantahay.

 

Waxay rabaan in mar kale loo noqdo habkii soo jireenka ahaa ee kasoo curtay Shirkii Carte, 2000, ee hadba tillaabbo hor leh qaadayay lakin ku salaysnaa in oday-dhaqameedku soo xulaan ergo, ergadu ay doorato baarlamaan, baarlamaankuna uu doorto Madaxweyne.

 

Maadaamma oo qorshahan uu mar waliba horumar yar sammeynayay (Enhanced Indirect Election), tookadaan qorshe ayaa mucaaradka meel u yaal. Odayaashi ayaa loo laabanayaa, waxay soo xulayaan ergo ka kooban 101 xubnood oo u codaysa kursi kaste oo ka mida 329 ka kursi ee wadarta labada aqal ee xeer-dejinta. Wadarta guud waa 33,229 ergay.

 

Fikraddaa waxa keenay hay`ad loogu yeero Sahan Research oo uu leeyahay nin la yiraa Matt Bryden. Hay`addan, waxa Soomaaliya laga mamnuucay Disembar 17, 2018 ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku hawlantahay hagardaamooyin ka dhan ah danta qaranka. Milkiilaha waa nin sharci ahaan dalka laga eryay lakin wali la shaqeysta Soomaali badan, aadna ugu lug leh qaar ka mida dowlad gobaleedyada.

 

Matt Bryden waxu u dhashay dalka Canada. Waxuu ahaa sargaal ka tirsan millitariga dalkiisa. Waxuu ciidanka ruqso ka qaatay sanadkii 1987kii. Waxuu noqday xariiriyihii Guddiga Kormeerka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eratariya intii u dhaxaysay 2008 iyo 2012.

 

6dii Maarso, 2020, ayuu shir ugu qabtay Nairobi wakiillo ka socday mucaaradka, qaar ka mida dowlad-gobaleedyada iyo dad kale, waxana 3 beri ka dib shirkaa laga soo saaray war-murtiyeed lagu sheegay habka ugu habboon ee doorashada Soomaaliya sanadka 2021. Waxu daaha ka qaaday habka kor ku xusan ee dhaqanka ku tiirsan.

 

Sargaalkan u dhashay Canada ee sirdoonka ah, waxaa si weyn gacan-saar ula leh Dowladda Immaaraatka (UAE) iyo Dowladda Kenya. Sidoo kale, waxa xariir dhow la leh qaar ka mida axsaabta mucaaradka oo, dhanka kalana kaga xiran Immaaraatka. Adigu buuxi meelaha bannaan.

 

Danta Bryden waa in uu helo dowlad uu ku tiirsado. Kenya waxan isku haynaa badda Soomaaliya. Immaaraat waxan ka fashilinnay gummeysi casri ah oo ay dalka la maaganayd, waxayna ku mamantahay in ay soo ceshato.

 

Walaaca ugu weyn ee haya mucaaradka waa in ay shacabku codeeyaan, doorashada axsaab lagu saleeyo, dadka la yiraa kala doorta hebal oo ka socda Xisbiga Nabad &Nolol iyo heblo oo ka socota Xisbiga Wadajir ama Himilo Qaran ama UPD, oo deetana shacabku uu isugu aguugo dhinaca N&N oo mucaaradku ay la kulmaan jab iyo naasa-beel.

 

Hal-qabsiyada huwan erayada deel-qaafka ah, sida : Kaligii talisnimo, ku shubasho, waqti-korarsi, dagaal sokeeye, saamiley maqan, qabyaalad, waqtigu kuma filna, intuba waa boor isku qaris, ee halka ay ka tolantahay waa weedhooyin ama hal-qabsiyo kale oo daahsoon, kuwaa oo oranaya :Haddii shacab la'aado, waannu ahaannay, haddii habka doorashada la horumariyo, waannu harnay!

 

Hardanka ujeedada daahsoon ee mucaaradka iyo xulufada shisheeye oo isku dhinac ah iyo aragtida dowladda iyo shacabka ee sharciga doorashada ku qoran, ayaa ah bu'da doodda doorashada ee taagan.

 

Waa halka uu ka soo if-baxay tuduca oranaya "Hadal dhaaftaye, yaa is huba".



Loading...
Loading...