27 May Maalitii Taariikhda Geeska Badeshey(15-26 June iyo Hargeysa) Q: 14aad
1) Hargeysa in madaafiic aan loo miyal-dayin iyo diyaarado ooda loogaga qaadey, taasoo dad badani ku lee’deen, kuwa kalena ku dhaawacmey, sida taliyihii Guutadii Sayid Cumar Muj. Maxamed Cilmi Samatar(Galaan), kuna dhintey Muj. Gacma-Dheere.
2) In dagaalkii loo saarey duleedka magaalada Hargeysa, si loo wiiqo gurmadka jabhada iyo sidii loo jari lahaa, dhamaan wixii taakuleyn ah ee duleedka Hargeysa uga yimaada SNM-ta. Waxa cadowgii dagaal ka bilaabey aaga Geed-Deeble isagoo kasoo galaya dhanka Cali-Xeydh waqooyiga, halkaas oo Maleeshiyaad qaxootigii Agabar(Laas-Dhuure) oo Jabhadii Sheekh Bilise iyo Somali Galbeed iyo Gaas 1aad oo ishuwani maatidii wadhneyd Deeble dhabarka ka tumaatiyeen, goobtaasna waxa lagaga hortey Cali-Xeydh oo lagu waabiyey.
3) Waxa cadowgu bilaabey si uu ubaajiyo, jiida koonfur-bari Hargeysa oo ciidamo badani kasoo galayaan iyo taakuleyn waxtar u leh jabhada. Ayaa waxa dagaal kolba tuulo ku beegsanayo, bilaabey nin la odhan jirey Kabtan Shaarub horena ciidan ku heystey meesha la yidhaa Bali-Shire. Shaaruub oo tiro tikniko fudud wata 2 Babe iyo Sadex Baroon iyo 2 boqol oo na wata in khalkhal galin ku beegsadey, dadkii kasoo barakacey Hargeysa. Nasii wanaag waxa ay fooda is dareen ciidan jabhadii ahaa oo dhaawac sidey halkaas oo 2 baabuur isagoo wata nafta la galay Airport ka Hargeysa, dibna looma arag.
4) Waxa cadowgii ku ruqaansadey dad reermiyi ah oo cusub oo soo degay deegaano u dhaxeeya Xaabaalaha Galbeed ee Garabis ilaa Caydaroosh, halkaasoo maati badan meeshaa ku gubeen iyagoo nool, si ay ugu quus gooyaan jabhada taakulada iyo dhawaacaba markey sii wadaan iyo marka ay Hargeysa usocdaana dariiqaas isticmaali jirey, oo ahaa dariiq toobiya ahaa(short-cut way).
5) Waxa iyana jiidii koonfur Hargeysa, iyana weerer qaadey ciidankii Habaasweyn, oo weerer ku eegeysiiyey deegaano ay ka mid yiin, Guburaha Banka iyo Bali-gubadle. Nasiib wanaag cid badan meey helin. Marka laga reebo tiro odayaal ah oo meesha lagaga guurey. Waxa iyana jirey ciidan shacab ah, oo is abaabuley oo uu hogaan u ahaa Xasan Waraabe(Galaal) oo iska soo abaabuley Bali-Gubadle iyo Gumar, kuwaas oo si geesinimo leh gudaha u galay, xeradii guutada culusi deganeyd ee Xaabaale(Habaasweyn). Halkaas oo ciidankaas shacabka iyo reer miyigi ahaa gootaas ku shuf-beeley, oo in aan 5 nin aheyn ka samata baxeen.
Waxa jirtey in dagaalkii 13 June ee 24aad, uu qasaare balaadhan ku keeney warshadii kabka ee halkaas ku tiiley iyo ciidankii hawl-wadeenada u ahaa ee rasaasta sameyn jirey, oo ku riiqdey goobtaas, taas oo
keentey gabaabsi rasaaseed siiba ta qoriga AK47 oo macmal ahaan loogu sameyn jirey halkaas, rasaastaas oo loo yaqaaney Mahadaay.
Dharaartaas laga bilaabo waxa uu cadawgu badaley dhamaan qoryihii ay ku dagaal gali jireen, waxaaney qaateen kuwa American ka ee loo yaqaan M-16. Sidoo kale waxa uu ciidanka 5aad ee Mareykanu, fadhigiisuna ahaa Baxreyn, gacanta ka galiyey Faqashta saanad ciidan oo culus oo aheyd tii gacanta sare siisey, ciidanka Siyaad Barre.
Mar saxafi Canadian ah oo katirsan jariirada Global on Mail ee Canada, safiirkii ugu dambeeyey ee Mareekan Somalia, waxa uu ku yidhi: Safiir iyadoo Siyaad Barre ahaa, kuwa ugu kali-talisaysan Africa, maxeydin xili dagaal sokeeyo socdo aydin, hub usiiseen? Waxa uu ku jawaabey sidan: "it was last drop to defend themselves; But they made extremism”.
Laakiin, Mareykanku waxa uu ka baqey in jabhadu gacanta ku dhigto Berbera, meeshaas oo aheyd, goob uu Mareykanku u diyaariyey in cir-bixiyeenada Mareykan hadii ay dhib la kulmaan inta ay hawada jiraan, ay tahay Berbera Airport goob ay ku sameyn karaan emergency landing. Isagoo Mareykanku qaliga kusii hayey dayax gacmeedkiisii Air Shuttle Challenger ee dhacay 1986. Markaasna dagaalki qaboobaa meel adag marayey, barnaamijikii president Ragel u bixiyey Star-War, dagaalkii xidigaha, oo dabcan madaarka Berbera na qeyb ka ahaa. Arinkaas oo Mareykanku ku qasbanaa in uu caawimo Siyaad Barre la siiyo.
Waxa jabhadii iyo Faqashtii noqdeen gudaha Hargeysa in ay noqdaan col-wada-yaal oo goobaha ay kala joogaan aan la isku soo dhaafin, marka laga reebo dagaalada gaadmada ah ee la isku weeraro.
Dadweynihiina waxii qaxi karayay iyana baxaan, marka laga reebo dad aan isqaadi Karin iyo in yar oo Dawladda wali ka rajo dhigin.
Waxa iyana sii daba-goosi ah dhamaan waxii taakuleyn ah, ee ciidan hadii ay noqoto ciidan, hadii ay noqoto rasaas iyo hadii ay noqoto shidaal, cunto iyada hadalkeeda daa. Laakiin nasiib wanaag waxa si isdaba joog ah tababarkii, Deeble, kasoo baxaya rag cusub oo reer Hargeysa ah, niyadooduna aad usareeso, yaqaanana dhamaan goobaha iyo xubnaha waadooyinka magaalada, taas oo laf-dhabar u noqdeen sii jiritaanka dagaalkii dhuumaalesiga ahaa.
Jabahadii waxay guda gashey in mar-labaad beegsadaan Airport ka Hargeysa, halkaas oo ay kusoo liishaameen qorigii 42 dhuumoodka ahaa ee PM-ka ahaa. Waxay aheyd in baabuurkuu goor casar gaaban kasoo dhaqaaqo carriga Sayla oo isla fiidkaba aad u garaaco Madaarka Hargeysa isagoo loo soo rarey rasaas laba gaadhi oo min 6 tan ah.
Nasiib darro, qorigii waxa soo gurguurtey goo habeen badh ah, waabarigii-na waxa uu garaacey madaarkii, halkaas oo markiiba diyaarad Mig ahi ka kacdey oo qorigii PM-ka ahaa laba gantaal la heyshey.
27 June ayaanu ka baxney Hargeysa anigoo lasocda taliyihii Sancaani ee dhaawacmey Aden Cadde oo aabey ah, ayuu yidhi Mujaahid Xuseen Adan Cadde,waxaan salaad hore istaagney, Garabis oo Faqashtii dad aad u badan ku leesay, oo meydku wadhanyey. Waxa nootimid ruux dumar ah, oo noo sheegtey in xalay dadkan Faqashtii ku leeysay, ee dhaqso uga baxa goobta.
Hore ayaanu ugu soconey, waxaanu gaadhney, goob ay joogaan ciidan laba baabuur oo tikniko ah wata iyo qorigii PM-ka ahaa qoriga waxa gubtey 7 dhuumood, taayiradana waa diyaaradii wey ka banjarisay, laakiin waxa loo baahdey ciidan ilaaliya inamda intey taayirada hagaajinayaan. Ayuu yidhi Xuseen Adan Cadde.
Wax yar kadib waxaaanu gaadhney goob aad u jiq ah oo aan la is arkeen, waxaanu la kulaney ciidan badan oo Sayid Cumar ah, oo uu wato C. Raxmaan Dhool-Dahable(Xuusho) warkii inamada waanu gaadhsiiney, waxa uu nagu yidhi, hadda ayaan ciidan u dirayaa. Lkn meeshii inamadii looguma tagin halkaas oo fiidkii inamadi iskaga soo baxeen, Faqashtii Habaasweyn-na ay ciidan lug ah usoo dirtey oo habeenimadiia miino ku xidhey gaadhigii PM-ka ahaa, halkaasna ay jabhadii qorigii ugu cuslaa ay heysteen ku gubtey.
Lasoco Q:15taad Maxamuud Biixi [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!