Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo ka digay 4.5 doorasho ku dhacdo

0
Monday June 08, 2020 - 09:40:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo ka digay 4.5 doorasho ku dhacdo

    Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii la yiraahdo Doorasho qof iyo cod ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii la yiraahdo Doorasho qof iyo cod ah



Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Puntland oo ka digay Doorasha ...

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada maamulka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ayaa si adag uga digay in Doorashada qof iyo cod ee Soomaaliya loo wadaa ay noqoto mid ku salaysan Hannaanka Wax-qaybta 4.5

 

Guddoomiyaha Cabdicasiis, ayaa sheegay in Nidaamka 4.5, uu ahaa Xal wakhtigiisa joogay oo laga soo gudbay, inkastoo uusan marnaba Nidaamkaasi sax ahayn, balse loo baahanyahay in aan Maanta mar kale dib loogu laaban.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii la yiraahdo Doorasho qof iyo cod ah baa loo gudbayaa, Wax qaybintuna waa inoo Habkeennii Qabiilka, taasi ay ka dhigantahay in Nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 Sharci laga dhigayo.

 

Cabdicasiis Cabdullaahi, wuxuu intaas raaciyay in haddii sidaas lagu Sharciyeeyo Hannaanka wax-qaybsiga 4.5, ay iyana caddaalad-darro baahsan ku keeni doonto Qaar kamid ah Beelaha Soomaaaliyeed.

 

"waa in qabiilada Soomaaliyeed midna cod yeesho midna aanu cod yeelan oo qabiil is doorto waa in la sameeyo xeer aan u cadaalad samaynayn umadda Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland.


Loading...
Loading...