Muse Biixi Wuxuu Isku Caddeeyey Inuu Teaffic Light Yahay Cidduu Doonoku Casaado Cidduu Doonona Green Light Siiyo.

0
Monday June 08, 2020 - 09:15:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muse Biixi Wuxuu Isku Caddeeyey Inuu Teaffic Light Yahay Cidduu Doonoku Casaado Cidduu Doonona Green Light Siiyo.

    W/Q: M BASHE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: M BASHE

Waxaynu wada ogsoonahay in TRAFFIC LIGHT KU 100% caddaalad ku shaqayso Madaxweyne Muse Biixi wuu isku masaalay Inuu  sida traffic LIGHT ka u shaqeeyo  oo uu cidduu doono ku casaado cidduu doono  green light siiyo.



Traffic lightly jeedda ma TAQAAN laakiin waa suaal u TAAL  reer SOMALILAND inuu Muse Caddaalad ku shaqeeyo , Aniga waxay ila Tagay in BUURTA NAASA HABLOOD KU QOSLEEN JAWAABAHA MUSE BIIXI.

 

halkaa  waxaa soo gelaysa go’aamada  xukuummadiisoo  dhan hadday Saamiqaybsi tahay  hadday Maxkamado tahay  hadday waxqabadka hadday mashaariictay hadday arinkasta tahay  inuu Muse inoo  sheegay in wixii ishiisa bidix uu ku eegaa uu TRAFFIC light ka xukunkiisu ku cas yey hadduu ishiisa MIDIG KU EEGANA WAA GREEN WAX WALBA WUU U OGOLYEY Markaa jawaabihiisii waxqabadka giddi wuxuu ku koobay gobol ka Gebiley iyo Berbera iyo Hargeysa galbeedkeeda.


Wadanka SOMALILAND dhaqaalihiisu  wuxuu ku xidhayey Xoolaha Nool, Xoolaha noolina waxay joogaan Sool Sanaag Togdheer iyo Hawdka Hargeysa Mashruuc qudha oo DHAQAALAHA wadanka Caawinaya oo Goboladaa aan KOR ku sheegay galey  ma jiro. Berbera waa sax buu ku yey Haddii Dekeddii la dhiso laakiin mashaariicda beeruhuu sheegayo ee waa dhaqaale burburin maxaa yeelay Shirkad Daqiiqda ah baa Berbera laga Sameeyey dabadeed intuu Xannaaqay buu shirkadihii shirkad ka barbar furtay Gabiley ah oo maaliyaddii dalkana beero Gabiley ah geliyey si uu warshadda INA Xarbi u kacdo.


Takale ee uu yidhi Wadankayagu waa dimoqraadi waxaad arkaysaa inaan dhegihiisu afkiisa MAQLAYN ; lix iyo toban sano ayuu baarlamaanka bilaa doorasho fadhiyaa, Guurti du Rubuc qarni ayey doorasho diid tahay. GUDOOMIYAHA Baarlamaanka tiro iswaadaarin Xukuumad u boobtuu ku fadhiyaa. DADKII DOORASHOOYINKA U SHARXNAA WAA RAJO BEEL. Maxkamadda Sare  weynu ognay Madaxtooyadaa looga yeedhiyaa, Somalidu waxay tidhaa Mayd keebaa u Dambeeyey Iyo KAA LA SIISIDO. SHACABKII GAWAADHIDA MUSE KA BOOBAY EE ABIILKIINA LOO DIIDAY Ee Uu Yidhi Boolisku Ha Buufisto caawana wuu Muse Biixi ummaddii la soo horfadhiistay Somaliland Appeals Baa La Qaataa Maxkamadaa Jira.  Shalay Bay Ahayd Macalim Iyo Abwaan Aan Waxba Samayn In Malyuun Dollar Uu Ku Xukumay, Kiiskaasi Jeebkuu Kala Soo Baxay Miyuu Hayaa Xukunkaa Xeerkuu Kasoo Saaray  waar miyaan Allah laga baqayn Yaa Waduud Yaa Suduud.

 

Waraysigan La Waraystay Jawaabihiisu Muran Iyo Fadhi Ku Dirir Bay  Ahaayeen Iyo Dood Dadka Aan Waxba Ogayni Suuqa Kaga Doodan.  Hadday Somaliland Fikirka Noocaa Ah Iyo Dooda Noocaa Ah Somalia Ula Tagaan Khalaas Jeebka Somalia Ayey Ku Dhacaynaa.  Markaa Anigu Waxaan Somaliland Kula Talinayaa Inta Muse Biixi  Horjoogo Inoo Tahay  Yeynaan Somalia Wax Wada Hadala La Gelin Waayo Waayo Waa Ku Jabaynaa.  Shacabkiina Iyo Dhalin Yaradii Waa  Kuwaa Mogadisho Laga Shaqaalaysiinayo. Gebigeenaba  Mashruuc Qudha Oo Mogadisho La Inooga Furaa Ina Didinaya Kolka Uu Xukuumad Shaqaalihii Iyo Kastanadii Iyo Ciidamadii Iyo Mashaariicdii Qoys Yari Isku Koobay Oo Weliba Ay Isla Hagaagsanyihiin.  Wadada Maamulka Somaliland Ee Muse Raacay Waynu Ku Jabaynaa.

 

W/Q: M BASHE

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...