Kiimikada Sumeysan Ee Ay Hawada Ku Sii Daayaan Wershadaha Batroolka safeeyaa Waxay Fahmo Guur Ku Ridaan Caruurta Yar Yar.

0
Friday April 12, 2019 - 10:13:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kiimikada Sumeysan Ee Ay Hawada Ku Sii Daayaan Wershadaha Batroolka safeeyaa Waxay Fahmo Guur Ku Ridaan Caruurta Yar Yar.

    Qalinkii A/Rahmanfidhinle UK.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii A/Rahmanfidhinle UK.
Wershedaha Batroolka Safeeyaa waxay keenaan dhibaatooyin badan oo saameeya noolaha degaanka laga dhiso wershedahaas.

Wasakhda iyo hadhaaga sunta ah ee ka dhasha safeynta kala duwan eeBatroolku waxay dhibaatooyintaban gaadhsiiyaan, Bay'ada,degaanka, dadka, duunyada iyoBiyaha waxaanay hawada ku xidhaan oo ku sii daayaan qiiq madow oo fara badan iyo ur aan loo adkeysan karin.



1- Waxay hawada ku sii daayaan Wershadahaasisun fara badan oo waxyeelaysa bay'ada iyo noolaha ku nool degaankaas haddii aan laga xakameyn.

2- Waxay hawada ku sii daayaanmaalin kasta 100 nooc oo sumokala duwanah oo khatar ah oo hawada raacbaamaalin kasta - waxaana ka mid ah suntaa kimikada ah:

Sulphur dioxide (SO2), Nitrogen Oxide , Carbon Mono-oxide , Methane dioxide, Hyadrogen Fluoride, Chlorine Benzene, bir ama Lead, sunta PM10 , Methene& qaar kale.

3- Waxay Wersheduhusababaan in ay da'aan roobab asiidh ah oo dhulka baabiiyaoo xanuuno badan oo dadka iyo duunyadaba ku dhacakeena, xanuunadaa waxaa ka mid ah :Kansarka, Xanuunada dhiiga iyo dhuuxaku dhaca, kuwa ku dhaca maqaarka jidhka, marinka neefashada, indhaha, kuwa ku dhaca xusuusta iyo maskaxda caruurta da'doodu yartahay ,iyo xanuunada taranka ee dhalmada yareeya. sumahaas kala duwani waxay baabiiyaan dhamaan noolaha degaankaas,waxaana ay nabaadguuriyaan degaanka wersheda laga dhiso iyo nawaaxigeeda.

4- Wershadahaasi Waxaysii daayaan Wasakhda khatartaleh ee la yaqaano PM10 suntaas oo Sambabada noolaha Xanuuno kala duwan ooaan dawo laheyn ku rida.

5- Wershaduhu waxay cirka ku sii daayaan Qiiq madow oo xanbaarsan sumo kala duwan ku waa soo hawada xidha ka dibna nabaad quuriya dhulka iyo calafka xoolaha

6- Waxay wersheduhu hawada ku sii daayaan sunta khatarta badan ee Methane taasoo iyana hawada raacda oo noolaha caafimaadkiisa daciifisa.

7- Wershadaha Batroolka Safeeyaa waxay dhalaan birta layidhaahdo ( LEAD ) birtaas oo caruurta degaanka daganfahmada ka qaada oo xusuus tooda yareysa.

8- Waxaa agagaarka wershadu yeelataa had iyo jeer ur aad u xun taasoo ay keento sunta Salphur tu ee ay wershadu sii deyso mar kasta oo la shido- waxaana ay suntani keentaa xanuuno badan oo ay ka mid yihiinindho xanuunka, madax xanuunka, xanuunka kansarkaiyo xanuuno badan oo ku dhaca marinka neefsashada ee noolaha kala duwan.

Talo Soo jeedin : Si loo yareeyo saameynta dhibaatooyinka ay Wershada Sifeynta Batroolkuu keeni karto degaanka: Maadaama JSLtahay dawlad sabool ah oo aan weli laheyn sharciyo aqooni ku dheehan tahay oo xakameeya khasaarada dadban ee ay wersheduhu u geystaan Degaanka dalka.

1- Waa in dadku aanay degin ee ka durkaan degaanka wershedaha laga dhisaayo mar walba.

2- Waa in Weshada lagu rakibaa qalab cusuboo xakameeya sanqadha wershada iyo waxyeelada suntan ah ee wershedu dhasho


3- Waa in Wershada lagu daraa liiska Wershehada u hogaansan Xeerarka Caalamiga ah ee ( Atmasphoric Pollution Prevention - Xeer 45- Act 1965) Si ay xeerarkaasi uqabtaan una xakameeyaan warsheda hadii ay badato waxyeelada ay u keento degaanka Wershadaasi ku taalo.

4- Waa in wershedu la timaadaa hababka casriga ah ee lagu xakameeyo sumaha khatarta leh ee ka dhasha hadhaaga wax soo saarka wersheda

5- Waa in Wersheda lagu rakibaa qalabka kala sifeeya hadhaaga wax soo saarka wersheda kaas oo isugu Jiri karadareere, adkeama mid hawada oo kale ah.

6- Waa in si cilmiyeysan loogu fiirsadaa waxyeelada dadban ee ay wershedu ku keeni karto degaanka, dadka iyo duunyadaba.


Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...