Maxamed Mooge Liibaan-Heesaagii Madhaafaanka Ahaa Ee Soomaaliya

0
Sunday June 07, 2020 - 20:08:17 in Articles by
  • Visits: 2282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Mooge Liibaan-Heesaagii Madhaafaanka Ahaa Ee Soomaaliya

    Maxamed Mooge Liibaan-Heesaagii Madhaafaanka Ahaa Ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Mooge Liibaan-Heesaagii Madhaafaanka Ahaa Ee Soomaaliya


Maxamed Mooge Liibaan wuxuu ahaa macallin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, ka hor intii aanu hantiyin dhegaha dadweynaha Soomaaliyeed. Hoobal ahaan, waxa uu soo shaac baxay sannadihii toddobaatannadii.

Image may contain: 1 person


Sannadkii 1971 ayuu taliskii Soomaaliya ka dhisnaan jirey shaqadii ka fadhiisiyay Maxamed Mooge, kadib markii uu talisku ku eedeeyey in aanu u jajabnayn kacaan-ku-sheeggii boobay taladii dalka. Maxamed, intii uu dalka gudihiisa joogey wuxuu ku heesi jirey heeso si dadban uga soo hor jeeday taliskii Maxamed Siyaad Barre.


1970-nnadii ayuu Maxamed si qarsoodi ah dalka kaga baxay, waxaanu in muddo ah ku noolaa dalalka Kiiniya iyo dalka Ingiriiska, ka dib markuu naftiisa uga maaro waayay inay ka indha qarsato durbaannadii beenta ahaa ee loo tumayey Siyaad Barre iyo hurintiisa sacabka iyo mashxaradda jeclayd.


Dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee Siyaad diidka ahaa (Jabhadda SSDF) ayuu bilowgiiba Maxamed Mooge ku biiray, waxaanu ahaa hoobalkii ugu horreeyey ee qaaday hees cod leh oo si badheedh ah uga soo hor jeedda taliska Soomaaliya, sida heestii ahayd "Soomaalidu ma huruddaa?" iyo "Lix iyo labaatankii Juun ku lednay, kowdii Luulyo liibaaney kow iyo labaatankii Oktoobar leeleelay".


Maxamed Mooge, waxaa aad ugu beernayd nacaybka taliska nacabka ahaa, mana jirin heeso kacaan-ammaan ah oo uu ku heesay muddadii ka badnayd kow iyo labaatanka sannadood ee mugdiga ahayd. Xitaa ma ay jirin heeso Maxamed Mooge ku duubay Idaacadaha Soomaaliyeed, sababtuna waxay ahayd isaga oo u arkayay Idaacado aan ka wakiil ahayn ama ku hadlayn afka shacbiga Soomaaliyeed. Sidaas darteed ayaa loo dareemi karaa in heesaha Maxamed Mooge ku duuban yihiin cajaladaha madaxa bannaan.


Maxamed Mooge fankiisu wuxuu ka mid yahay kuwa ugu mudan fanka loo yaqaan "Fadhiga". Waxa la rumaysan yahay in aanu jirin guri Af-Soomaali lagaga hadlo oo aanay heesaha Maxamed Mooge oollin.


Maxamed Mooge Liibaan, wuxuu lahaa cod lab oo legddan oo hannaan farshaxannimo ku dheehan tahay iyo luuq aan carjabin oo dhegtu heellanaan, hanqaltaag iyo halhaleel ku dhegaysato.


Maxamed Mooge, wuxuu ahaa bulshaawi qalanbaawi ah. Aad iyo aad ayuu naftiisa ugu hanweynaa. Wuxuu lahaa hilaad fog iyo hiyi durugsan. Fanka Maxamed Mooge ma duugoobi doono inta dad nool yahay.


Maxamed Mooge wuxuu la dhashay hoobalka kale ee caanka ah ee Axmed Mooge Liibaan.


Maxamed Mooge Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee wuxuu shahiiday 5/6/1984kii, isaga oo hawlihii xoraynta ku foogan.

© Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" | Halkaraan | 1993.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...