Kulmiye Xeerkii Xisbigiisa Tuur Xukuumadiisuna Dastuurkii Dalka Xoortay

0
Saturday March 02, 2019 - 20:04:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulmiye Xeerkii Xisbigiisa Tuur Xukuumadiisuna Dastuurkii Dalka Xoortay

    Xisbiga Kulmiye waa xisbi ka mida xisbiyada qaranka Somaliland waana xisbiga kaliya ee dadka mayalka u haya lagu sifeeyey kuwo aan fahansanayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye waa xisbi ka mida xisbiyada qaranka Somaliland waana xisbiga kaliya ee dadka mayalka u haya lagu sifeeyey kuwo aan fahansanayn

qaab siyaasadeedka axsaabta badan waayo Waxa xisbiyada loo sameeyey si looga baxo qaab siyaasadeedka ku dhisan Ardaayada siddaa laajigeed waa xisbi leh xeerar iyo qodobo u dhigan Siddii xisbi se ku DHAQMA xeerar iyo qaab beeleed iyo xulufaysi ardaa, waa xisbi dadka mayalka u haya ay ku uloleeyaan kala qaybsanaan mujtamaca ay kala qoqobayaan iyo afxumo, deelqaaf iyo hadalo xanafleh oo ku lidi ah midnimada waana xisbigii Ruqsada loo siiyey Af Xumada!!.



Kulmiye gudihiisa laguma dhaqmo oo lama tix geliyo shuruucda iyo qaanuunka xisbiga u dhigan, si dumuqraadiyad iyo cadaaladi ku jirto looma raaco shuruucda xisbiga u dejisan, Madaxda xisbiga iyagoo xil xisbiga u haya ayaa laysku dul magacaabaa waxaad moodaa meherad nin leeyahay oo xubnaha xisbiga Siddii ladoono ayaa laga yeelaa, muuqaalka iyo magac uyaalka waa xisbi qaran se qaabka uu u shaqeeyo waa xisbi Qabiil.


Dhanka xukuumada xisbigan allow sahalka ah ee kulmiye tabta xisbigu uunan u tixgelin shuruucda ayey xukuumadiisuna sharciga iyo dastuurka u tixgelin, waayo masuul inta xil loo igmado ayaa Isaga oo aan lacasilin xilkii Cidkale loo magacaabaa oo dhacday, dhowr jeer, xukuumadii hore ee kulmiye dalkii Bay boobtay oo dayn malaayiin ah aan ciddi bixin karin ayey ka tagtay Isaga oo dalku dalalka aduunka ugu saboolsan ku jiro, xukuumadan hada joogtaana ways kaba raacaynaysaa iyadoo ku darsatay dhaqan dumis iyo dastuur xoorid, waayo Dhaqanka Soomaaliland Waxa ugu mihiinsan waa suugaanta oo suugaantii waaba laysku xidhayaa, halkii Dhaqanka dhacdo walba xumo iyo samo laga gabyi jiray caadiyan ciddii been gabaydana loogu JAWAABI jiray se xukuumad af af u weydey weeye oo cabudhin, caga-juglayn iyo xadhig miciin biday.


Dastuurkii la xoor KOL hadii qodobkii uu ku taagnaa ee ahaa JIRITAANKA JAMHUURIYADA Somaliland WAA MUQADAS haddii meeshaba laga saaray socdaalkii ugu horeeyey ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u baxay waakii ay isku soo af garteen soona saxeexay in Somaliland maamul tahay somaliyana fadaraal tahay, KOL hadii jamhuuriyadii meesha laga saaray oo somaliland maamul noqday kamida dowlad goboleedada iyo fadaraal isku sheega xamar dastuurkii dalka waa la xooray.


Waxa se aan la yaabay shacabka iyaga oo arkaaya dalkii lagu hor dhacay ee eega oo hadana dastuurkii lagu hor burburinaaya ee eegaya ee hadana indho-sarcaadka la tusaayo ee u sacabinaaya,


Dekedii waa la kireeyey lacag lagama hayo garoonkii dayaarada waa la kireeyey lacag lagama hayo, biriishkii caasimadu wuu dumayaa oo lacag looma hayo, wadadii ceerigaabo ee lacagta xad-dhaafka ah loo uruuriyey wax hadal hayaba, dooxa dacar-budhuq iyo aw-barkhadle sanad walba boqolaal qof baa ku naf waaya, maal badana waa lagu waayaa biriish la'aan, sidoo kale baahiyo badan ayaa dalka ka jira oo wax qabad u baahan, se dalkii inta maamul goboleed itoobiya lagaga soo dhigay ayaa lagu madadaalinayaa wado berbera ilaa wajaale ah baanu dhisaynaa boqolaal malyuun ku kacaysa!! Waa ruwaayad.


Waxa layidhi ninkaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la EEGAA! Hadaba Xaqiiq Kulmiye xeerarkii xisbigiisa tuur xukuumadiisuna dastuurkii dalka xoortay!! Ee Ilaahow u sahal jamhuuriyadan barakaysan.

Ilaahaybaa mahad leh

Midnimana Somaliland.


Fuad Fartaag

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...