Fariin Caafimaad: Fayo Dhowrka Sharaabka. WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan.

0
Sunday February 03, 2019 - 07:56:41 in Articles by Super Admin
  • Visits: 1971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariin Caafimaad: Fayo Dhowrka Sharaabka. WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan.

    Sharaabka iyo xaaladiisa fayadhowr xiliga bisha barakaysan ee rabadaan sharaabka dibada ka yimaada iyo xaaladiisa fayadhowr iyo shuurudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sharaabka iyo xaaladiisa fayadhowr xiliga bisha barakaysan ee rabadaan sharaabka dibada ka yimaada iyo xaaladiisa fayadhowr iyo shuurudaha
Sharaabka waa in had iyo goor lagu ilaaliya qabookiye ama cimilo heerkul degen si aanu ugu iman isbadal  tayo  sharaab sidoo kale waa in aan lagu tuurin goobaha deegaamka bulshada  marka uu xumaado ama uu dhaco taariikhdiisa isticmaal  waa in loo gudbiyaa laamaha fayadhowrka dawliga si loo gubo

sharaabka dalka oo ka tayo  wanaag san

Sharaabku waa caabitaan aynu u baahanahay waqti kasta  sharaabku waqtiyadii hore waxa uu inooga iman jiray  dalalka dibada halka manta ay maalgashadeen  company Somaliland u dhashay oo ka hir galiyey dalka warshado waxsoosaarka sharaabka sida warshashada   ilo tango    spi trading co iyagoo kor qaaday dhaqaalihii dalka dibada uga bixi jiray  iyo shaqo abuur ay ka hir galiyeen  shaqo la aanta baahsan ee ka jirta dalka 
  Sharaabka iyo xaaladiisa fayadhowr  xiliga bisha barakaysan ee rabadaan  sharaabka dibada ka yimaada iyo xaaladiisa fayadhowr iyo shuurudaha caafimaad ee looga baahan yahay maadama sharaabka aad aynu u isticmaalo bisha rabadaan


Shaaabka dibada laga keeno oo runtii  mushkalado nadan u soo wajaho sida burbur  conteners lagu soo qaadayo oo aan lahayn qaboojiyo ku ilaalinta  waqtiga keydinta dajinta xaaladkisa fayadhowr ee looga baahan yahay in lagu ilaaliyo  iyado sidoo kale sharaabka oo taarikhdiisa isticmaal ay dhowdahay la soo galiyo gobolada dalka  ha noqdo mid ku raaga goobaha dekedaha dalka

Waxaad arkaysaa marka ay taarikhdiisa ay ka hadhay  6 bilood iyadoo  lagu xaraashay goob suuqa dhexdiisa oo bacadyaal ah  taasi waa nidaam khilaafsan sharciga fayodhowrka ee aalinta dhowrida cuntooyinka iyo cabida

 Sharaabku waxa uu had iyo goor u baahan yahay in lagu ilaaliyo xaalad cimilo  degan  kulalka badan ee sharabku soo maro waxay ku keenaysa sida  dhadhanka sharaabka oo is badala  weelka sharabku ku jiro oo foc ku yimaado etc    waxa loo bahan yahay sidoo kale in  cadayntisa warqada caafimad ee sharaabku marka uu kasoo dagayo dakada dalka  uu saxsanyahay

Sidoo kale waa in la soo mariya  goobaha  baadhista  dekadaha dalka marka uu soo dagayo

Sharaabka warshadaha dalka iyo xaaladisa fayadhowr

Sharabka ay soo saaran warshadaha wax soosar ee dalka runti kuma arkaysid waxyaabo isbadal ah  taasay sabab u tahay isagoon soo marin wado socdaal oo dheer aynan soo wajahin  ku ilaalin la an shuruucda looga bahan yahay   fayadhowrka sharaabka  sharabkan  warshadaha dalka oo ay dalka ka hir galiyeen ganacsato muwaadinin ah markay eegen dhaqaalaha badan ee dalka dibada uga baxaya

Markay eegen xaalada dhibta cimilaayinka  badan ee uu soo wajahayo sharaabka dibada waxay door bideen  in ay dalka ka hirgaliyan warshado waxsoosar sharaab

Warshada sharabka ilo tango

Warshada sharaabka ee spi  

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...