27 May Maalintii Badashey Taariikhda Geeska (14 June iyo Hargeysa) Q:13aad
13 June, iyo dagaalkii lagu hoobtey ee lagu galalafey, 11 xero oo ciidanka Siyaad Barre deganaa oo isdaba yaala, waxay ku noqotey dadkii aqoonta military ugu sareysay iyo masuuliyadeedaba, mid bar- kutaalo ku noqota, ooy iyagu indhahooda kasoo arkeen sida ay u kulushay dhirbaaxooyinka SNM, halkaas oo kasoo hadhey Cali Samatar "waligey maan fileyn, iney Qurmistu(SNM) ay gaartey, in ay gali karaan, dagaalo sidan u qorsheysan oo culus”.
Laga bilaabo maalintaas waxa Taliskii Siyaad Berre, ku dhaqaaqey in aan waxbaba lala hadhin oo inta lagumaadi karo dadka ku abtirsada SNM lagumaado. Sidii loo soo celin lahaa, gancan ku haynta Waqooyiga ee faraha kasii baxaya.
Waxa toos loo bilaabey, duqeyn diyaaradood iyo madaafiic lala beegsanayo, kolba halkii ay ku ururaan dadweynuhu. Tani waxay aheyd markhaati madoon, oo Cali Samatar ka qirtey idaacada BBC-da qeybta Focus on Africa 1989-kii in uu isagu amrey duqeynta shacbiga.
Tanina waxey noqotey mid aan ka hadhin oo daba socota ilaa intuu ka dhimanayey 2018 oo ay maxkamadi ku socotey. Sidoo kale, Morgan isna sidaas mid leeg, ayeey cambaar ugu noqotey dagaalkii qeybta uu kulahaa taasoo uu la baxey dhiig-ya-cabkii Hargeysa(Butcher of Hargeysa).
Hadaba, dhanka SNM-ta maxaa dhashay dagaalkaas:
@ in Taliskii Siyaad la xanuujiyey, oo ay dib u dhigtey, kusii jirada magaalooyinka, khaasatan Hargeysa ilaa mudo gaadheysa 70 maalmood oo dambe. Taas oo SNM u suurtoowdey, in dadweynihii fursad u heleen in laga saaro, goobihii cadawga, si aan gumaad iyo duleysi dambe u arag.
(b)in Taliskii garwaaqsadey in aan hore loogu soo dheereen jabhada, oo u baahantey qorshe dheer sida loogu diyaar garowbo guluf-colaadeed oo lagaga hortago SNM.
(c)waxa dagaalkaas ku idlaadey, maleeshiyo qaxootigii, qeybo jabhadii Somali Galbeed iyo tii Oromada ee Sheekh Bilise, ee sida qarsoodida ah xerada Biya-Xidhka u daganaa, ee dadka barakacey baadhasho iyo gumaad ku xaalufiyey.
Taas oo ay dadkii baxayey ee shacabka ahaa ay heleen dariiq kaga baxaan dagaalada oo ahaa Bariga Hargeysa, oo meesha hada Burcadaloo yaqaan ee Halleya bari ka xigta ilaa Xadhig-Xadhigsi xor ahna loo kala goosho. Halkaas oo dadweyne xaasas ah, caruur, dad jilicsan iyo kuwo maalkoodii sitaa isku aamineyn, oo hore socodkaas oo kale tahli Karin iskuguna aamini Karin.
(d)waxa iyana soo if-baxdey in SNM-tu aaney aheyn cudud mideysa(one package entity) , marka laga eego sida aan la isugu gurman, dagaalkiina la isugu daawadey, halka Faqashtu gacan isasiisey.
(e) dagaalkaas waxa SNM kasoo gaadhey, qasaare aaney kasoo waaqsanin, sida: in gabi ahaanba burburey ciidankii aaga dhexe ee Hargeysa yimid, in dagaalkaas lagu waayey dhamaan dagaagaliyayaashii gacanta fududaa, intii kasoo baxdeyna ay dhaawacyo kala soo baxeen, iyo in ciidankii Sancaani isna waayey ciidan baaxadle oo ay kaga dhinteen maalintaas, sida dhaawacii cuslaa ee taliyihii Sancaani Aden Cadde, ku dhaawacmey goob u dhaw Jameeca Weyn.
(f)waxa bilaabmey gurmad balaadhan, oo shacab iyo geeljire-ba leh, kuwaasoo kasoo hangagaarey deegaamo ay ka mid yihiin. Libi_Sagaalo, Ina-Guuxaa, Qool-Buulale, Salaxley, Cadaadley, Qoolcadey, Badarwanaag, Bali-Axmed iyo kuwa kale. Kuwaasoo kusoo biirayey ciidanka Hargeysa jooga, oo yeeshay aagaga Bariga Hargeysa, Sayladda, ilaa iyo Naasa-Hablood. Kaaso oo culeys badan ka qaadey ciidankii Sancaani ee mudo 14 maalmood ah ku kaliyeeystey.
Lasoco Q: 14aad
W/Q: Maxamuud Biixi [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





