Ganacsiga Somaliland Uga Yimaada Iroobiya Ee Qaadka iyo Khudaarta Waa In aynu Ku Badelano Dalal Kale Oo Istaraatijiyadeena Siyaadadeed Ogol

0
Sunday June 07, 2020 - 08:24:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsiga Somaliland Uga Yimaada Iroobiya Ee Qaadka iyo Khudaarta Waa In aynu Ku Badelano Dalal Kale Oo Istaraatijiyadeena Siyaadadeed Ogol

    W/Q: Najiib Ismaaciil Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Najiib Ismaaciil Maxamed

Mudo la Joojiyay Qaadka inooga Yimaada Dalkaasi Itoobiya oo Ku Sinayd 25 Maalmood Waxaa hoos u Dhac Weyni Ku Yimid Dhaqaalaha Dalkaasi Itoobiya Kaas oo aynu Wada ognahay inaanay Wax Daruuriya habayaraatee, inagaga badalan Badeecadaha Qaadka iyo Khudaarta, oo sida Kaluunka Milixda iyo Wixii la Nooc ah.

 

Iyadoo ay Sidaa tahay Maalin kasta oo Illaahay keeno Waxa aynu Wada ognahay in Dhaqaale fara badani uga hoydo Dalka Somaliland Maadaama oo la inooga Keeno Dalkaasi Khudaarta ugu badan iyo Qaadka ugu badan oo Boqolaal Kun ama Malaayiin Dollar inagu jooga, Dawlada Itoobiya Sadex Meelood oo Dhaqaalahoodu ku Xidhan yihiin Waxaa Kaalinta Koowaad kaga jirra Bunka Kaalinta Labaadna Waxaa kujira Qaadka Kaalinta Sadexaadna Waxaa kujira Khudaarta Somaliland, ahaan Waxeynu ka Qaadanaa Laba Kamid ah halbawlayaasheeda dhaqaale marka laga Reebo Bunka oo kaliya  markaad eegto danaha aynu Itoobiya ku qabno Siyaasad  ahaan Wakhti Xaadirkan iyo Wakhtiyadii hore Sida dhinacyada Diblamaasiyada aynu uga Dhisnayn Maamuladii hore, oo Maanta Wax Weyni iska badeleen Mar hadii Aby Ahmed inoo aqoonsan Yahay Maamul Goboleed Tixgalin gaar ahna Siiyay, Dawlladii aynu ka Go,ney ee Soomaaliya oo uu u muuqdo,in uu iska baal marey oo indha-tirayo Halgankii iyo jidkii dheeraa ee aynu usoo marney Qaranimada iyo Masiirkii iyo Gooni isutaagii Somaliland intaba.

 

Mar hadii aanay Somaliland Wax dan ah iyo Istaraatijiyad ah Midna iyo Waliba Siyaasad ah ku Qabin dalka Itoobiya Waa in ay Go,aan Masiiri ah ka qaadataa in ay Joojiso Khudaarta iyo Jaadka laga soo Iibsanayo, Dawlada Itoobiya, oo Halbawle dhaqaale u ah Waana in ay Somaliland Dalal kale ka raadiso Istaraatijiyad Siyaasadeed sida Dawladaha Kiiniya iyo Masar Waa in ay Kiiniya Qaadka kasoo iibsato oo ku badesho kan Itoobiya, si Danaha Dhaqaale aynu igaga Faa,idaysano Dawllada Kiiniya islamarkaana Khudaartii lata Soo qaadanayay Itoobiya uga Wareegno Dalka Masaarida oo la Wadaagno Siyaasad iyo Dhaqaaleba.

 

W/Q: Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tel:0634466339


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...