Dalkaan Waxaa Uu Rabaa Madaxweyne Dulqaad Badan {Daud Haji Cirro}

0
Sunday June 07, 2020 - 08:02:59 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalkaan Waxaa Uu Rabaa Madaxweyne Dulqaad Badan {Daud Haji Cirro}

    Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaanayo ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaanayo ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo




Dalkaan waxa uu u baahan yahay Madaxweyne dulqaad badan ixtiraam badan isu kalsoon dalkaan iyo Dadkaana ku hogaamin kara Horumar, Xasilooni Amni iyo Siyaasad degan.

 

Tusaale hadaan usoo qaato Ex Madaxweyne Hassan Sheikh waxa ahaa hogaamiye hadal jeedintiisa aad loo jeclaa hadii ay dhacdana in su'aal la waydiiyo isagoo aan xanaaqin misna dhoola cadeynaya ayuu ka jawaabi jiray.

 

Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaanayo ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu sheegay in 30 sano kadib uu deeq waxbarasho oo bilaash ah siiyay 65 arday laakin Madaxweynaha waxa uusan ogeyn ama loo sheegin in Ex Madaxweyne Xasan Sheekh uu waxbarasho lacag la'aan ah siiyay in ka badan hal milyan (1,000,000) oo arday mashruucaas oo loogu magacdaray Aada dugsiyada Go to School sidoo kale waxa uu deeqo waxbarasho oo lacag la'aan ah dibada loogu qaaday in kabadan labaatan kun (20,000) oo arday waxa uuna howlgaliyay Jaamacada Umadda Somaliyed.

 

Hadaba muhiimadu waxay tahay sidii dalkaan doorasho uga dhici lahayd waxaase mooda in Madaxweynuhu ka leex leexanayo in Doorasho ay dhacdo taasoo muujineysa in kalsooni darro ay heyso Madaxweynaheena taa bedelkeedana uu doorbidayo muddo kororsi abuuri kara fowdo qas iyo deganaansho darro siyaasadeed. Muhiimadu waa in doorasho xur oo xalaal ah waqtigeedana ku dhacda ay qabsoonto.

 

Waa Aragtideyda Gaarka ah

Mahadsanidiin

Daud Haji Cirro


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...