Dareenkii Xamaasada Mucaaradnimo watay ee Golaha Shacabka ka dhex iftiimay...W/Q Maxamed Kayse Bigeeye.

0
Sunday June 07, 2020 - 01:59:56 in Articles by
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dareenkii Xamaasada Mucaaradnimo watay ee Golaha Shacabka ka dhex iftiimay...W/Q Maxamed Kayse Bigeeye.

    Dareenkii Xamaasada Mucaaradnimo watay ee Golaha Shacabka ka dhex iftiimay...W/Q Maxamed Kayse Bigeeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dareenkii Xamaasada Mucaaradnimo watay ee Golaha Shacabka ka dhex iftiimay...W/Q Maxamed Kayse Bigeeye.


Bal hadii aan Siyaasadeena Gudaha ka yara Talaabo Waxaan maanta Daawaday Muuqaalka Xildhibaankii Madaxwayne Farmaajo Siidhiga ku afuufay iyo Dareenka Xamaasada Mucaaridnimo watay ee Golaha Shacabka ka dhex iftiimay. Madaxwayne Farmaajo Waa Shakhsi aanan Xumaan badan ku ogayn waxse waa ka khaldameen oo Khaladka ugu wayn waxaaba sameeyay Xubno ka mid ah Xukuumadiisa oo abuuray Fursado Mucaaridku ka Faa'idaysteen Shaadh Qabiilna loo tolay.



Hadaba Hogaamiye kasta oo Afrikaan ah waxaa halaaga kuwa cid ugu xiga ee uu soo dhawaysto. Ninkaas Farmaajo iyo Ooridiisa Saynab Moallim Waxaa ku jira yididiilo wanaagsan oo waxqabad ku qotonta balse ma helin kuwii ahdaaftooda dhaqaajin lahaa Waxaa Xukuumadii ay noqotay Xukuumad Facebook la Ciyaar ah, Waagii aanu kubada Ciyaari jirnay Dhalinyaranimadii Ciyaartoyga Istuska ah ee lugooyada miidhan ah (ee ku Jeesjeesa Xarfadaha) waxaanu u naqaanay " Taarabuun la Ciyaar".


Wasiirada Taarabuun la ciyaarka ahi umay hiilin Hankii iyo Shakhsigii iyaga fursada siiyay.


Waxaase Seegay Farmaajo inuu ka Faa'idaysto Fursado waawayn oo uu wax ku bedeli lahaa Wakhtigaas kama uusan Faa' idaysan, Waxaanu waajahayaa in Xukuumadiisu hadeer kala Qaybsanto Waxaana taas soo dadajinaaya Hanka Raysalwasaarihiisa Xasan Cali Khayre, Waxaana Dhici doonta Golaha Wasiirada Badankoodu in ay Garab istaagi doonaan khayre. Isku soo wada duubo Farmaajo Waxaa lagu Xasuusan doonaa Wadaniyad, Dal Jacayl, Waxqabad, iyo Qabka Soomaalinimada oo ku wayn. Musharax Madaxwayne isaga oo ah Farmaajo oo mar kale isa soo istaaga buu duruus badan ka qaadan doonaa Siyaasada ay dheelaan Muqdishaawiyiintu. Waan soo Koobay waana Aragtidayda.


Nabad iyo Noloshii Facebook la Ciyaarka ahayd Nabaadiino "Wakhtiga Tagayow Salaama"


Maxamed Kayse Bigeeye

Hargaysa.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...